Waxaa markii ugu horeysay ayaa la ogaaday kharashka Soomaaliya uga baxay dacwadda Badda ee wejigeedii hore ay Soomaaliya ku guuleysatay.
Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay dacwadan bilowday oo muddo laba sanadood ah ku qaadatay ayaa la shaaciyay in lacag malaayiin Doolar ay ku baxday.
Xildhibaan Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) oo hore u ahaa agaasimihii madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in dacwadda Badda ay Soomaaliya ugu kacday laba sano oo shaqo adag ah iyo lacag dhan 5 Milyan oo Doolar, wuxuuna eedeyn u jeediyay madaxdii sida aragti la’aanta ah heshiiska ula galay Kenya.

Soomaaliya ayaa dacwada kiiska Badda ee Kenya kala dhaxeysa u kireysay 4 Qareen oo kala ah:
Dr. Muna Sharmani (Somali)
Prof. Paul Reichler (USA)
Prof Allain Pellet (French)
Prof. Philipe Sands (UK)
Waxayna lacagta ugu badan ku baxday qareenada heer caalami oo caadiyaan kiisaska noocan oo kale ah ay yihiin kuwo qaali ah. Dowladda Soomaaliya ayaan si rasmi ah u soo bandhigin kharashka ku baxay dacwada oo hadda uun bilaaban doonta.
Wadani.com