Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»KASHIFAAD: Heshiis Qarsoodi ah oo Dowladda Soomaaliya la gashay Shirkad Mareykan ah [Akhriso]

    KASHIFAAD: Heshiis Qarsoodi ah oo Dowladda Soomaaliya la gashay Shirkad Mareykan ah [Akhriso]

    November 19, 2017Updated:November 19, 20172 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Sida ay qortay jariirada Daily Nation Dowladda Soomaaliya ayaa heshiis hal sano ah la gaartay Sharikad Mareykan ah oo olole u galeysa in kaalmada Mareykanka uu siiyo Soomaaliya aanay istaagin.Xukuumadda Washington waxay $900 Milyan u qoondeysay howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM. Dowladda Soomaaliya ayaa hadda ku jirta xaalad ay si weyn ugu baahan tahay taageerada Mareykanka ee maaliyadeed iyop milateri, taasoo haddii ay dhici weydo uga dhigan guuldarro.

    Dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya ku bixisay $2 Bilyan oo dollar oo gargaar iyo horumarin isu jiray Tobankii sano ee la soo dhaafay. Dowladda Soomaaliya waxaay qandaraas Sanad ah la saxiixatay Senatarkii hore ee Xisbiga Jamhuuriga ee Dalka Mareykanka Alfonse Marcello D’Amato,si uu dowladda Soomaaliya uga difaaco eedaha la xiriira Musuqa ee horseedi kara in Mareykanka kaalmada maaliyadeed ka jarto Dowladda Soomaaliya.

    Soomaaliya $120,000 oo dollar ayey kula heshiisay Sharikadda Senatar Alfonse Marcello D’Amato, madaxda ka yahay,waxaana ay u qaadaneysaa kharashka shaqada,halka $36,000 oo dollar oo kalena uu u qaadanayo kharashaadka safarka.

    Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa saartay warbixin dowladda Soomaaliya fareysa in gargaarka Mareykanka ee bani’adamnimada aysan u adeegsan u shaqada uu u qabanayo Alfonse Marcello D’Amato.

    “Park Strategies,oo ah sharikadda Sanatarka ee dowladda Soomaaliya la heshiisay waxaa ay matali doontaa Soomaaliya iyada oo u ololeyneysa in aan Soomaaliya laga jarin kaalmada Mareykanka ,waxaana ay ka shaqeyn doontaa joogteynta Xiriirka Dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya”.

    Dowladda Mareykanka ayaa AMISOM ku bixisay $900 Milyan oo dollar,sidoo kale waxaa ay $750 Milyan oo doolar ku bixisay howlaha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya. 500, oo Askarta Mareykanka ah ayaa jooga Soomaaliya,waxaa ay AMISOM iyo dowladda Soomaaliyaba ka caawiyaan tababarka iyo farsamada Ciidamada Soomaaliya.
    Musuqa.

    Dowladda Mareykanka ayaa dib uga fiirsan karta taageeradeeda Soomaaliya kaddib markii ay heshay caddeeymo musuqa la xiriira oo siyaasadda iyo milatarigaba ay ku jiraan.
    Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka iyo Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in Ciidamada Soomaaliya aysan awood u lahayn in ay la wareegaan amniga Soomaaliya,iyada oo mareykanka uu qarash iyo waqti badan kaga baxay.

    Mr D’Amato, oo ah Sanatar hore oo Jamhuuri ah waxaa uu ku dhex fir fircoonyahay Xisbiga Jamhuuriga ah, waxaana uu danaha Soomaaliya ka difaaci karaa agagaarka Donald Trump.

    Waxaa uu saaxiib la yahay saraakiil badan oo ka tirsan aqalka cad ee Mareykanka, sidoo kale waxaa uu ka mid ahaa dadkii u ololeeyay in uu Trump madaxweyne noqdo,waxaana uu saaxiibo badan ku leeyahay labada aqal ee Mareykanka oo ay Jamhuuriyiintu aqlabiyadda leeyihiin.

    HOOS KA AKHRISO QORMADA

    Somalia seeks help from US firm to further relations

    Dowladda Soomaaliya Farmaajo Senatar Alfonse Marcello D’Amato Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSomalia seeks help from US firm to further relations
    Next Article AKHRISO: Hees uu curiyay Wasiirka Maaliyadda C/raxman Beyle “Maanta waa Dharaar wacan”

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo