Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo gabagabeeyay madmadow soo kala dhex galay guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh, kadib khilaaf keenay inuu qabto mooshinkii xil ka qaadistiisa bartamihii bishii hore.
Heshiiska labada mas’uul ee ugu sareeya dowlada Federaalka ayaa guddoomiyaha Baarlamaanka ku ogolaaday inuu taageero xukuumadda iyo Madaxtooyada 2-da sano ee u harsan isagoo aan qaban doonin ama farsamo kale u adeegsan doona wixii mooshin ah ee laga keeno.
Guddoomiye Mursal ayaa sidoo kale aqbalay natiijadii uu sida weyn uga horjeeday ee doorashada maamlka K/Galbeed, waxaana uu hoggaaminayaa xal u helidda khilaafka ka taagan maamulkaasi isagoo wakiil ka ah madaxweynaha, taasoo uu adeegsanayo dhaqaale.
Heshiiska wada-shaqeynta qarsoodiga ah ee Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Mursal ayaa keenaya in guddoomiyaha Baarlamaanka la siiyo dhaqaale iyo xilal, iyadoo arrimaha K/Galbeed wixii hadda ka danbeeya isaga loo mari doono, marka uu xaliyo beelaha tabanaya, soona afjaro diidmada beelaha K/Galbeed qaarkood ee madaxweyne C/casiis Lafta-gareen.