KASHIFAAD: Maxaa xilka looga qaaday Agaasimihii wasaaradda Diinta & Awqaafta xukuumadda Soomaaliya..? UGAARA GOOBJOOGE.COM
Waxaa dhowaan xilka wareejiyay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta xukuumadda Soomaaliya Skeekh Maxamed Kheyrow Aadan oo ahaa waaya-arag culimo ah oo in badan ku soo dhex jiray wasaaradda, isla markaana ka mida agaasimeyaasha ugu nadiifsan dowladda Soomaaliya, waxayna arrinta keentay xil ka qaadistiisa dib ugu laabaneysaa Bishii Disembar ee sanadkii tegay 2015, halkaas oo aanu sheekada idinka bilaabi doono.
“Waxay ahayd kulankii caadiga ahaa ee Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya 24-December 2015, goobta waa xafiiska Ra’iisal wasaaraha…, waxaa shirka xaadiray inta badan xubnaha golaha wasiirada, laakiin durba isbedel ayaa la dareemay… Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Cumar C/rashiid si aan looga baran waxaa ka muuqda inuu careysan yahay… Shirkii ayaa bilowday ajendayaal dhowr ah ayaa la sheegay, kadibna ra’iisal wasaaraha ayaa si kulul uga hadlay go’aan maalmo ka hor kasoo baxay wasaradaha Diinta & Awqaafta iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo lagu mamnuucay in loo dabaaldego ciida masiixiga ee (Christmas-ka) loo yaqaan iyo habeenka sanadka cusub ee nataalaha.
Waxay ahayd markii ugu darneyd ee la arko ra’iisal wasaare cumar C/rashiid oo sidaas u careysan, sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan Golaha wasiirada oo maalintaa Goobjoog ahaa oo mid kamida ku dooday inuu u qaatay dhibaato weyn oo halis ku ah qaranka inay dhacday, laakiin markii arrintii noqotay: MAXAA LOO MAMNUUCAY DABAALDEGGA CIIDA MASIIXIYIINTA ay la yaabeen.
Ra’iisal wasaaraha wuxuu ku dhegay wasiirada Diinta iyo Awqaafta Cabdulqaadir Sh. Cali Baqdaadi isagoo weydiiyay sida go’aanka lagu soo saaray iyo wasiirka arrimaha gudaha C/raxmaan Odowaa oo isna loo qabsaday warkii ka soo baxay Guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Labadii Wasiir ayaa difaac galay Wasiir Baqdaadi wuxuu ku fashilmay inuu difaaco wasaaradiisa, waxaana uu sheegay inuusan waxba kala socon oo agaasimaha arrintaas ku fududaay, taasina waxay keentay in Ra’iisal wasaaraha tallaabo xil ka qaadis ah ku sameeyo Agaasimaha wasaaradda Diinta iyo Awqaafa Sheekh Aadan Kheyrow, isagoo wasiir Baqdaadi ay ku dhacday canaan weyn oo ku saabsan inuusan maamuli karin wasaaradiisa oo wixii ay doonto iska sameyneyso.
Wasiirka Arrimaha Gudaha difaac ayuu galay, wuxuuna ku dooday mar haddii warkaasi dowladda qeybo ka mida ka baxay inaan laga daba qaadan oo haddii ay sidaasi dhacdo, xaaladd uga sii dareyso, ayna haboon tahay in sidaasi arrinta dhacday lagu gaabiyo. Ra’iisal wasaaraha ayaa ku adkeystay in arrintan aan la aqbali karin, waxaana la sheegay inuu cadaadis uga yimid dalal dibadda ah, kadib markii saxaafadda reer galbeedka ay si weyn u baahisay warka dowladda Soomaaliya ku mamnuucday damaashaadka ciida masiixiga oo noqda war aad u weyn.
Akhri sida saxaafadda dunida u baahisay warkan
Waxaa ugu darnaa cinwaanka iyo sawirka ay soo qaadatay jariirada the Independent ee ka soo baxda dalka Ingiriiska (INDEPENDENT)
Inkastoo aysan Soomaliya keli ku ahayn arrintan oo ay jireen dalal kale oo mamnuucay xuskan sida Brunei oo suldaankooda Xasan Bolkiya ku dhawaaqay in ciddii lagu helo dabaaldega ciida Christmas-ka 5 sano oo xabsi ah iyo dalka kale Tajakistan, haddana Soomaaliya madaxdeedu waa kuwo u nugul cadaadiska dalalka dibadda, tiiyoo aanay wax go’aan ka gaari karin arrimo dhaqan iyo diin ku saabsan.
WARKII LA BAAHIYAY 22 KA DECEMBER 2015 EE LAGU MAMNUUCAY DABAALDEGNA CIIDA MASIIXIGA
Go’aankaasi wuxuu kasoo baxay Wasaaradda diinta iyo Awqaafta, waxaana qalabka warbaahinta la hadlay oo shaaciyay Agaasimaha guud ee Wasaaradaasi Sheekh Maxamed Kheyrow Aadan warka agaasimaha iyo hadalkiisa hoos ka akhri kana dhageyso
Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay Xuska Munaasabadda Ciidda Kirismaska oo loo dabaaldago Bilowga Sanadwalba, Iyadoo ku amartay laamaha Ammaanka Dowladda inay ka hortagto isku Dayo lagu Abaabulayo Xuskaas. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Maxamed Kheyroow ayaa sheegay in Arrintaan haddii Umadda Soomaaliyeed ay sameeyaan ay waxbadan U dhimayso Caqiidadooda, isagoo soo jeediyay in laga feejignaado Arrimahaan. Waxaa maalmo kooban inaga xiga bilashada Sanadka Cusub ee 2016’ka iyadoo Dadka aan muslimiinta ahayn ay sameeya dabaaldagyo loogu magacdaray Ciidda Kirismaska.
Halkaan kadhagayso Codka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta
Waxaa isla go’aankan shaaciyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xaflad uu ka hadlay maalin kadib ku sheegay inaan la xusi karin ciida masiixiga uga digay hoteelada Muqdisho iyadoo arrintaasina ay sidoo kale ka digeen CulimadaHay’adda Culimada Soomaliyeed sida Sheekh Nuur Baaruud Gurxan (DHAGEYSO CODKA SHEEKH NUUR BAARUUD).
XIL KA QAADISTA AGAASIME SHEEKH MAXAMED KHEYROW
Maalmo yar kadib Ra’iisal wasaaare Cumar C/rashiid wuxuu xilka ka qaaday Agaasimihii guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Maxamed Kheyrow, waxaana xilkaasi loo magacaabay nin lagu magacaabo Cumar Faaruuq Sheekh C/casiis oo lab bilood ay ku qaadatay inuu xilka la wareego (AKHRI WARKAN).
KA NOQOSHADII DOWLADDA EE GO’AANKII LAGU MAMNUUCAY U DABAALDEGA CIIDKA CHRISTMAS-KA…!!
Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid kuma qancin in laga aamuso wuxuu amar ku siiyay wasiirkiisa Arrimaha Diinta iyo Awqaafta inuu beeniyo warkii dowladda ka soo baxay ee lagu mamuucay, waxaana dhacday inuu wasiirkii diinta ee Soomaliya C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim wareysi siiyo Idaacadda VOA-da oo uu si cad u beeniyo in dowlada Soomaaliya aanay mamnuucin dabaaladegga..!!!!
DHAGEYSO WAREYSIGA WASIIR BAQDAADI EE VOA-da
Waxaa isna ka noqday go’aankiisii Guddoomiyaha Gobolka Banadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo maalmo kadib sheegay in dadka muslimiinta ah laga mamnuucay dabaaldega laakiin dadka kale ay u fasaxan yihiin.
Arrintu si kastaba ka ahaatee waxaa xusid mudan in sanadihii 2013 iyo 2014 amarro noocaan ah kasoo baxeen wasaaradda diinta iyo awqaafta oo mar ka mid ahayd wasaaradda Cadaaladda, balse aanay yeelan saameynta 2015-tii, waxaana Agaasime Sheekh Aadan Kheyrow Maxamed uu xilkiisii ku waayay inuu qaatay go’aan sax agaa oo diin ahaan iyo shaqsi ahaanba uu ku saxnaa, laakiin uu sii ahaan doono shaqsi loo ogyahay daacadnimadiisa iyo dulmiga uu ku waayay xilkiisii.
WARBIXINTAN WAXAA ISKU SOO DUBA RIDAY KOOXDA GOOBJOOGE.COM OO MAR KASTA U HEELAN INAY DABAGAL KU SAMEYSO GO’AANADA MADAXDA XILKA HEYSTA IYO SAAMEYNTOODA..