Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»KASHIFAAD: Maxay Ahlu-suna ugu dagaalameysaa xilka Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug?

    KASHIFAAD: Maxay Ahlu-suna ugu dagaalameysaa xilka Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug?

    January 21, 2020Updated:January 21, 20203 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Shan xildhibaan oo ka mida Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo madaweyne ku xigeenka Galmudug ayaa ka hor yimid guddiga intiisa kale oo 8 xubood ah, iyagoo sheegay in la farageliyey oo laga hor istaagay guddoomiye ay wateen, iyadoo ku hanjabay inay doorasho kale qaban doonaan.

    Xubnahan ayaa ah xildhibaannada ay soo xushay Ahlu suna ee ka mid noqday Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug, kaasoo Baarlamaanka cusub ee Galmudug uu ansixiyey, waxaana Guddiga oo ka kooban 13 xubnood ay 5 ka mida noqdeen xubno kasoo jeeda Ahlu suna.

    SIDEE GUDDI DOORASHADA LOO SOO XULAY?

    Caadiyan Guddiyada Doorashada waxaa soo jeedinaya oo magacydooda soo qora guddoonka Baarlamaanada, kadibna waxaa ansixiya Baarlamaanka, laakiin Guddiga Doorashada baarlamaanka Galmudug waxa ku lug yeeshay dhinacyo kale, sida wiilka uu dhalay Hoggaamiyha Ahlu suna Wasiir hore CabdiSamad Macalin Maxamuud iyo xubno kale, iyadoo sidaasi ay ku yimaadeen 5-ta xubnood ee Ahu suna uga mid noqday Guddiga. [Akhriso magacyada Guddiga Doorashada]

    Waxaa markii danbe soo baxday ujeedada ay Ahlu suna ka lahayd inay xubno ku yeelato Guddiga Doorashada, iyadoo isla markii guddiga la dhisay dalbaday in la siiyo Gudddoomiyaha Guddiga haddii kale aysan shirarka guddiga xaadiri doonin.

    GUDDOOMIYAHA GUDDIGA DOORASHADA GALMUDUG EE AHLU SUNA..!

    Guddi uu xilkiisu yahay qabanqaabo Doorasho ma jirto awood gaar oo uu leeyahay, Gudoomiyihiisuna wax weyn kama bedeli karo shaqada Guddiga oo aqlabiyad lagu gaaro, laakiin Galmdug way ka duwan tahay, waxayna Ahlu suna fursad weyn ka aragtay inay xilkan xasaasiga ah hesho, waxayna madaxdeeda ku adkeyteen inaysan ku qancin wax aan ka ahayn guddoomiyaha Guddiga Doorashada.

    Guddi ka kooban 13 xubnood suuragal maaha in 5 xubnood ay hesho Guddoomiyaha, haddii cod la qaadanaya waa caddahay inaysan heleynin xilka ay markii hore calmadeen, waana taas sababta ay u diideen inay shirarka Guddiga ka qeyb galaan, maantana ay shir jaraa’id u qabteen iyagoo 5 xubnood ah oo ku doodaya inay wateen guddoomiye laga diiday.

    Laba maalmood oo arrintan ay soo jiitameysay waxaa guddoonka Baarlamaanka Galmudug uu go’aansaday inaan loo xayirnaan shurudaha iyo diidmada 5-ta xildhibaan ee Ahlu suna ka socda, waxaana maanta 8-da xubnood ee Guddig intiisa kale ay iska dhex doorteen guddoonkooda.

    QORSHAHA AHLU SUNA

    Ahlu suna oo 20 xildhibaan ku leh Baarlamaanka Galmudug waxay ku fashilantay inay wax xil ah ka hesho guddoonka Baarlamaanka Galmudug, waxaana looga guuleystay musharixii ay siyaasad ahaanta ku taageertay xilka guddoomiyaha Baarlamaanka iyo musharixii ay wadatay ee guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka, waxaana hadda u soo haray oo kaliya inay saameyn ku yeelato Doorashada Madaxweynaha.

    Xilka Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayay u aragtay inuu yahay halka ay ka hoggaamin karto Doorasahda Galmudug, waxayna qaaday dariiq aan weli la adeegsan oo ah inay Guddi KMG ah oo doorasho awood ka dhex raadiso.

    Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha wuxuu soo saari karaa go’aamo haddii uu doono isagoo la tashan xubnaha kale, wuxuuna si toos ah u fulin karaa rabitaanka madaxda Ahlu suna, taasoo khalkhal gelin karta Doorashadii Galmudug, waxaana wax laga xumaado ah in Baarlamaan la dhaariyey ay weli qeyb ka mida u shaqeyneyso kooxdii soo magacawday.

    Ahlu suna doorashada Galmudug Guddiga doorashada Galmudug Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXilliga la dooranayo Madaxweynaha & Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la shaaciyey. [Akhriso Jadwalka]
    Next Article Ciidanka Kenya oo burburiyey Xarun Isgaarsiineed ay leedahay shirkadda Hormuud (Sawirro)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo