Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda Soomaaliya oo ka mida wasaaradaha ugu musuqmaasuqa badan sida lagu caddeeyay qormadii koowaad ee Wadani.com ayaa mar kale muujisay inaysan diyaar u ahayn sixitaanka lacagaha wasaaradaasi ay soo xareyso ee ka yimaada Iidhehyada laga baahiyo Radio Muqdisho iyo TV-ga Qaranka ee SNTV. Arrintan ayaa soo baxday markii Agaasimaha maamulka iyo lacagta ee Wasaaradda Xasan Samatar Cabdi uu isku dayay inuu fuliyo amar Agaasimaha guud ee wasaaradaasi bixiyay oo ahaa in la dhimo iidhehda faraha badan ee ka baxday warbaahinta qaranka, hantida kasoo xarootana lagu shubo Wasaaradda Maaliyadda.
Sida agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaarada Warfaafinta ku caddeeyay qoraal uu u kala diray madax kala duwan waxaa arrintan ka hor yimid madax waaxeed wasaaradda ka tirsan oo qaabilsan shaqaalaha, suuq-geynta iyo xiriirka macaamiisha oo lagu magacaabo Fartuun Xasan. Mas’uulkan ma aha oo kaliya inay ka been sheegtay qiimaha laga qaado iidhehyada ka baxa Warbaahinta Qaranka ee waxay sidoo kale qarisay iidhehyo badan oo laga baahiyo Radiyo Muqdisho iyo TV-ga Qaranka.
Wadani.com oo hore u soo bandhigay musuqa ka dhex jira Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, waxay idin soo gudbineysaa Dokumenti qarsoodi ah oo ku saabsan sida wasaaradani ugu baahay musuqa oo hantidii qaranka dad gaar ahi u lunsadaan, iyadoo laga cabsi qabo inay ku lug yeeshaan madax sare oo qoraalka soo socda aan lagu sheegin.
Akhri: KASHIFAAD: Musuqmaasuqa ka dhex jira Wasaarada Wafaafinta Soomaaliya (Qeybtii koowaad)
HOOS KA AKHRI QORAALKA AGAASIMAHA MAAMULKA & LACAGTA EE WASAARADDA WARFAAFINTA
Wadani.com