Kulan gaara oo xalay dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad ayaa soo shaac bixiyey heshiis hoose iyo balanqaad dhex maray madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka.
Kulanka ayaa daba socday heshiisa hore oo si gaara u dhex maray madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiye Jawaari oo ku saabsnaa xal u helidda mooshinka Baarlamaanka ka yaalla guddoomiye Jawaari ayaa jawaab laga sugayey Jawaari oo ku yaboohay inuu xilka ka tanaasulayo, balse markii dambe dib uga laabtay.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad oo aan ka war heynin heshiiska hoose ee ay wada galeen Farmaajo iyo Jawaari ayaa kulankaasi ku ogaaday jiritaanka heshiiska oo guddoomiye Jawaari uu ka balanqaaday madaxweynaha inuu si aan dhib lahayn uga degayo xilka si xal loogu helo khilaafka taagan loogana badbaado cod loo qaado.
Jawaari ayaa madaxweynaha u sheegay in habeenimadii Sabtida aanay xaaladiisu caadi ahayn, isla markaana uu hadda aaminsan yahay in mooshinkiisa sharci darro yahay, taasoo keentay dood labada mas’uul ee ugu sareysa dhex maray iyo su’aalo adag oo ay is weydaarsadeen.
Kulanka ayaa markii dambe natiijo la’aan ku dhammaaday iyadoo xiriirka labada mas’uul uu gaaray heerkii ugu hooseeyay, waxayna arrintan soo shaac baxday saddex maalmood a dib markii madaxweynaha uu joojiyay kulankii Baarlamaanka kadib kulamo kala gaara oo dhex maray guddoonka Baarlamaanka iyo guddoomiye Jawaari.