Xog ay heshay mareegta Wadani.com ayaa sheegeysa in dowladda Federaalka ay heshay qeyb ka mida lacagtii Boqortooyad Sacuudiga siisay dowladda Soomaaliya ay soo gaartay khasnadda dowladda.
Dowladda Sacuudiga ayaa dhowaan ugu deeqday dowlada Soomaaliya lacag dhan 50 Milyan oo doolar, lacagtaas oo u kala qeybsaneyd laba qeybood, ayaa qeybta hore waxay ahayd 20 Milyan Doolar oo lagu taageerayo miisaaniyadda dowladda, halka 30 Milyan oo Doolar loo qoondeeyay mashaariic laga fulinayo dalka Soomaaliya.
Waxaa khasnada dowladda ku soo dhacday 20-ka Milyan ee kabka Miisaaniyadda dowladda, xilli ay mushaar la’aan yihiin dhamaan shaqaalaha iyo ciidamada dowladda, laakiin nasiib darro waxay madaxda sare ee dowladda lacagtaasi ka dhigteen sahay ay kala qeybsadeen madaxda sare ee dowlada.
DHOWAAN FILO CADADKA LACAGTA IYO SIDA MADAXDA SARE U QEYBSADEEN….
LA SOCO GOOBJOOGE.COM