Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»KASHIFAAD: Sidee loo qeybsadaa Lacagta faraha badan ee laga qaado Xujeyda Soomaalida..?

    KASHIFAAD: Sidee loo qeybsadaa Lacagta faraha badan ee laga qaado Xujeyda Soomaalida..?

    August 28, 2017Updated:August 30, 20173 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dood iyo muran badan ayaa ka taagan lacagaha faraha badan ee laga qaado xujeyda Soomaalida, taasoo ka mida kuwa ugu qaalisan dunida ee xujey ay bixiso.

    Arrintan oo gaartay Aqalka sare ee Baarlamaanka ayaa waxaa weliya in Soomaalida xajineysa ay yihiin kuwa ugu adeeg liita marka la goojo xaramka, haddana dabagal ay Wadani.net ku sameysay arrintan ayaa waxaa soo silsilad isku xiran oo qeybsada lacagahan.

    Silsiladda ku shirkoobay dhiig miirashada xujeyda Soomaalida ayaa u taxan sida soo socota:

    1. AMIIR SACUUDIYAAN AH
    2. WAKIIL SOOMAALI AH
    3. SHIRKADAHA DIYAARADAHA (JUBBA & DAALLO)
    4. WASIIR KA TIRSAN XUKUUMADDA

    Qeyb waliba oo silsiladan kamida ayaa dhaqaale ka heshaa lacagaha faraha badan ee laga qaado xujeyda Soomaalida, waxaan fure u ah wakiilka Soomaalida iyo shirkadaha qandaraaska aan dhicin ku heysta xujeyda Soomaalida.

    1. AMIIR SACUUDIYAAN AH

    Waa halka ugu muhiimsan ee ay ka xiran tahay silsiladan, iyadoo muddo sanado ah ay socoto, Amiirkan iyo saaxiibadii ayaa heshiis dhex maray wakiil Soomaali ah, kaasoo qandaraas ku qaatay in dadgureynta Xujeyda Soomaalida.

    Amiirkan iyo dadka la shaqeeya oo awood ku leh Wasaaradda Xajka Sacuudiga, waxaa suuragal noqon weyday in qandaraaskan laga wareejiyo wakiilka uu Soomaaliya heshiiska la galay ama xitaa diyaarado kale la siiyo.

    Dowladihii Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh kala hoggaaminayeen ayaa isku dayay in shirkado diyaaradeed oo kale wax laga siiyo qandaraaskan, kaasoo lagu fashilmay markii amiirka Sacuudiyaanka ah ka hor yimid.

    2- WAKIIL SOOMAALI AH

    Wakiilkan waa ninka lagu magacaabo Abuukar Alkowthar waa ganacsade mukhalas ka ah xajka oo amiirka Sacuudiga  ah qandaraaska kula jira, wuxuuna Sacuudiga wakiil uga yahay shirkadda Jubba Airways, iyadoo la sheego inuu ka mid yahay ganacsatada qeybta ku leh shirkadda.

    3- SHIRKADAHA DIYAARADAHA (JUBBA & DAALLO)

    Qandaraaska Xajka waxaa heysata Shirkadda Jubba Airways oo uu leeyahay Ganacsade Saciid Nuur Giriish oo hadda noqday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Fedreaalka, kaasoo lacag aad u fara badan ku bixiyay kursigan, waxaana qeyb laga siiyay shirkadda Daallo oo muddooyinkan danbe hoos u dhacday.

    Waxaa xusid mudan kadib markii ay bateen qeylo dhaanta xujeyda Soomaalida iyo wararka warbaahinta in Xildhibaanka ganacsadaha ay uu xilligan qorsheegay olole lagu soo bandhigyo dad xujey ah oo sheegaya inay adeeg fiican ku heystaan xajka, iyadoo la adeegsanayo Wasiirka arrimaha diinta iyo Awqaafta oo howshan loo xil saaray.

    4- WASIIR KA TIRSAN XUKUUMADDA 

    Sanad kasta xilliga xajka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta waxay heshaa lacago laaluush ah oo laga siiyo lacagaha laga qaado xujeyda Soomaalida, waxaana la qiyaasay in $200,000 ilaa $300,000 uu wasiirku ka helo xaj kasta, taasoo ku xiran is afgaradka dhex mara Shirkadda Jubba Airways iyo isaga si loo helo ogolaashaha dowladda.

    GABAGABO

    Adeegyada loo fidiyo xujeyda Soomaalida ayaa ah kuwa ugu liita guud ahaan xujeyda tagta Beyt-ka Alle, waxaana heysta dayac weyn oo keenay in sanad kasta wax la iska weydiiyo ganacsiga heerkan gaaray ee lagu dhiig miirto xujeyda Soomaalida.

    Lacagta qofka caadiga ah ee xajinaya laga qaado waxay sanadkan gaartay $3800 doolar, iyadoo dadka gaarka ah ama loo yaqaan VIP-da laga qaado $5000. Kharashka guud ee xaj kasta kooxdan isbaheysatay wuxuu gaarayaa 40 Milyan oo doolar, waxaana kala bar si toos ah u qaata shaqsiyaadka sare ku xusan oo ay hormuud u tahay Shirkadda Jubba Airways, tiiyo aanay bixin adeegyadii ay lacagtaasi  ku qaateen intoo badan, kuwaasoo oo kala ah:

    1. Tikidhka Diyaaradda = $600

    2. Soo saarista Fiisaha Xajka.

    3. Safarka Makka ilaa Madiina

    4. Jiifka iyo guryaha Makka iyo Madiina

    5. Hagista xujaajta oo hoggaaminayaan dad khibrad u leh.

    6. Baraarujin iyo Muxaadarooyin ay soo jeediyaan culimadii Soomaaliyeed.

    Warbixinta Wadani.com

    Abukar Alkowthar Featured Jubba Airways Kharakhka Xajka Top Xujeyda Soomaalida
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDowladda Soomaaliya oo xireysa Jaamacadaha aan tayada lahayn ee Dalka [Dhageyso]
    Next Article Wasiir ka tirsan Xukuumadda Kheyre oo xiisad cusub kicisay & Jawaab loo riday [Akhriso]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo