Shalay ayay ahayd markii ay soo baxday qoraal uu ku saxiixan yahay Guddiga Doorashada heer Gobol ee Jubbaland oo lagu sheegay in tartanka Aqalka hoose looga joojiyay wasiirka Batroolka iyo kalluumeysiga Maxamed Mukhtaar Ibraahim.
Qoraalkan ayaa dad badan kaga yaabiyay sida loo qoray ee fadeexadda ah iyo go’aanka lagu soo saarayba, taasoo u muuqatay wax ka badan xaalad doorasho oo musharax ka mida tartamayaasha khalaadaad ku kacay.
Ka sokow xaqiiqnimada qoraalka, wuxuu sharafta ka qaaday musharax iyo mas’uul dowladeed oo mustaqbalkiisa siyaasadeed dhaawac weyn loo geystay, sidaasoo ay tahayna waxaa is weydiin leh:
- Guddiga Doorashada heer maamul Goboleed awood ma u leeyahay inuu keligiis go’aan ka qaato musharixiinta.
- Aaway doorkii Guddiyada heer Federaal ee Doorashada iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka?.
- Sidee Guddiga heer gobol go’aanada u gaaraan haddiiba ay awoodaas leeyihiin.?
Wadani.com ayaa ogaatay in Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Jubbaland oo lagu magcaabo Cabdi Cali Raage uu ka danbeeyay qoraalka laga qoray Wasiirka Batroolka Maxamed Mukhtaar Ibraahim, waxaana la yaab leh inay soo baxday khilaaf hore uga dhaxeeyay labada nin, kaasoo ku saabsan dano dhex maray.

Cabdi Cai Raage ayaa hore u ahaa la-taliyaha madaxweynaha Jubbaland, isagoo marna magaalada Kismaayo ka hirgeliyay Idaacad FM, waana nin aad ugu dhow Axmed Madoobe oo dowladda Federaalka howlo badan uga xirnaayeen.
Waa caddaatay in qoraalka uu soo saaray Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Jubaland uu salka ku hayo cadaawad ka dhaxeysay labada nin oo uu ka faa’iideystay, waxaana hadda kiiska la wareegay Guddihga Doorashada heer Federaal oo laga sugayo go’aan kama dambeys ah.
Musuqa Doorashada 2016 hareeyay, kuma koobna shaqsi ee waa mid baahsan oo aanay muuqan inay ka qaban karaan guddiyada ku dhex milan maamulada ay ka hoos shaqeeyaan, waxaana wax lala yaabo noqon doonta in hal musharax loola dhaqmo in wixii ka soo haray oo dhan ay nadiif yihiin, iyadoo aan haddana marnaba la difaaceynin musuqa iyo laaluushka loo adeegsado doorashada qof kastoo ku kacda.
Wadani.com