Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»KASHIFAAD: Yaa ka dambeeya Mooshinka Mudane Jawaari..? [Akhriso Xaqiiqada Mooshinka & Xaalad ka dhalan karta]

    KASHIFAAD: Yaa ka dambeeya Mooshinka Mudane Jawaari..? [Akhriso Xaqiiqada Mooshinka & Xaalad ka dhalan karta]

    March 19, 20183 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Kadib markii mar qura lagu soo baraarugay waaberigii 14-kii bishan Mooshinka laga keenay guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa su’aal weyni ka timid cidda ka danbeysa mooshinka..?

    Dadka qaarkood ayaa dusha u saaray xukuumadda xilka heysta sida guddoomiyaha mooshinka laga keenay, halka qaar kale la aadeen DP World iyo Imaaraadka, waxaana jira kuwo oo meelo aan munaasib ahayn la aaday, haddana waxaan qormadan ku eegeynaa halka uu ka yimid mooshinkan iyo cidda xaqiiqo ahaan uga danbeysa.

    BILOWGII MOOSHINKA

    Mooshinkan wuxuu soo bilowday afar bilood ka hor oo ku beegneyd Novermbar 2017 [Akhri Warkan], waxaana markaasi waday xildhibaanno labaatameeyo ah oo u badan odayaal hore oo ay Jawari isku qabteen dhismaha Guddiyada Baarlamaanka.

    Mooshinka Jawaari wuxuu weligiis ahaa mid ay ku riyoon jireen xildhibaanno laga dhex yaqaan Baarlamaanka oo xaalado gaara kala dhaxeeyaan Jawaari, waxaana marka ku biirayey xubno ay is qabteen Jawaari.

    Xildhibaannada saxiixay Novembar 2017, waxay kala ahaayeen:

    1- Xildhibaanno dood ka qaba qaabka loo dhisay Guddiyada joogtada ah oo xilal ka waayey Guddiga.

    2- Xildhibaano Jawaari ku heysta inuu ku dari waayey xildhibaanno safarro dibadeed helay ama qaar loo diray shirar dibadda ah.

    3- Xildhibaanno si shaqsi ah ula dirirsan Jawaari oo arrimo ay dhex mareen ama codsiyo gaara uu ka diiday.

    Waxaa kadib ku biiray xildhibaannada taageersan madaxweynha K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isagu muddo dheer loolan kala dhaxeeyay Jawaari, ujeedkiisuna yahay in qof isaga taabacsan ay xilkaasi qabato.

    Mooshinka Jawaari ma ahayn mid arki kara nolol uu mooshin sax ah ku noqdo, iyadoo dadka saxiixay aysan dhaafin 30 ilaa 40 xildhibaan markii ay ugu badnaayeen ay ku dhowaadeen 50 laakiin maxaa isbedelay..?

    MOOSHINKA CUSUB

    Mooshinka ay saxiixeen 107 xildhibaan ee Arbacadii 14-kii Bishan la shaaciyey wuxuu dhashay soona baxay muddo 8 saacadood gudahood ah, kadin markii ku soo jabeen taageerayaasha xukuumadda Soomaaliya oo wasiiro iyo xildhibaanno isugu jiray, waxaana suuragashay in habeenkii iyo subaxii Arbacadda ay tirada mooshinka saxiixday gaarto in ka badan 100.

    MAXAA DHACAY..?

    Waxaa laga war helay jiritaanka Mooshin laga wado xukuumadda, taasoo ku qasabtay dhinaca kale inay isugu tagaan mooshinka Jawaari si ay uga hortagaan mooshinka xukuumadda, waxayna arrinta oo dhami noqotay “BIYO INTA AY KU SOO GAARIN AYAA LA ISKA MOOSAA..” taasoo micnaheedu yahay in cabsi ay xukuumadda ka qabto mooshin lagu keeno ay uga hordhacday, iyadoo gaashaan ka dhiganeyso Mooshinka Jawaari.

    Dad badan ayaa aaminsan in Mooshinka Jawaari uu ahaa QAR ISKA TUURNIMO SIYAADEED oo ay ku kaceen madaxda xukuumadda iyo madaxtooyada, iyadoo aan laga fekerin waxa ka dhalan kara iyo xaaladda dalku geli karo mooshinka noocasi ah.

    Xaqiiqada mooshinka ka yaalla Jawaari waa mid ku kooban xukuumad isku difaaceysa qalalaase siyaasadeed iyo Mooshin, waana taariikh cusub oo soo korortay, taasoo ah xukuumada mooshin wada, laakiin waxaa xaqiiqo kale ah in si kasta oo loo maareeyo mooshinkan uu salfan doono laba ama mid ka mida saddexda mas’uul ee ugu sareeya dowladda Federaalka, xaaladuna aanay marna sidii hore iska ahaan doonin. YAASE KU BIXI DOONA..?

    WAR CUSUB: Mooshin laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari

    Baarlamaanka Jawaari Mooshin Mooshinka Jawaari Top Xaqiiqada Mooshinka Jawaari
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaxaa kasoo baxay kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Jawaari..? [Akhriso Qodobadda Jawaari la yimid]
    Next Article DAAWO SAWIRRO: Doon Dab qabsaday oo bas beeshay agagaarka Dekadda Boosaaso [Gurmad loo sameyn waayay]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo