Iyadoo shalay 22-ka Ogost 2019 ay ahayd maalin doorasho iyo magaacabid badan ay dhaceen Muqdisho iyo Kismaayo ayaa gelinkii danbe ee Maqribnimada waxaa mar kaliya Madaxtooyada Soomaaliya ay shaacisay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo noqday shaqsi aan hadal-heynta ku jirin oo lama filaan ahaa.
Mid ka mida hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho, Wasiir iyo xildhibaan hore Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayuu Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo u soo xushay inuu noqdo guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa caasimadda Muqdisho, waxayna su’aalo badan ka yimaadeen qaabka loo soo xulay iyo sida ay magacaabidiisa ku timid, iyadoo ay jireen xubno kale oo si weyn xilkan loogu saadaalinayey.
Xogta ay heshay Wadani.net ayaa sheegeysa in magacaabidda Cumar Filish ay ka dambeeyeen xubno kasoo jeeda Beesha Madaxweyne Farmaajo oo olole u galay sidii xilkan loogu magacaabi lahaa, iyadoo musharaxnimadiisa xilkan ay ahayd mid heer hoose ku socotay, isagoo u adeegsadaday xubno aad ugu dhow madaxweynaha oo saameyn wey ku leh, waxaana arrintan oo dhan ku timid rabitaanka Madaxweynaha oo ka fekeraya Doorashada 2020-2021.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la xaqiijiyey inuu go’aanka magacaabista Cumar Filish keligiis gaaray, iyadoo aanu taageero ka helin Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, taasoo ay ugu wacan tahay Ra’iisal wasaare Kheyre oo isagu hore usoo xulay Duqii hore C/raxmaan Yariisow, rabitaankiisna lagu magacaabay.
Cumar Filish ayaa loo arkaa nin aqoon badan u leh magaalada Muqdisho, kana mid noqday hoggaamiye kooxeedyadii ku dagaalamay, kadibna u xuub siibtay wasiir ka tirsan dowladii C/llaahi Yuusuf iyo xildhibaan uu ahaa ilaa dowladii hore ee Xasan Sheekh.
Waxaa lagu tilmaamaa mid ka mida hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho ugu aqoonta badnaa, uguna da’da yaraa wuxuu dagaal faraha looga gubtay oo Reereed la galay Muuse Suudi Yalaxow oo ay isku beel ahaayeen, waana taariikhdiisa madow marka laga reebo inuu ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii dhisay isbaheysigii Argagixiso la-dirirka ee CIA-da Mareykanka taageerada ka helay, isla markaana loo bixiyey -Ashahaada la-dirir’ soona dedejiyay Maxkamadihii islaamiga ee Muqdisho ka kacay 2006-dii.
Sanadkii 2012 ayuu Baarlamaanka ku soo galay si dirqi ah, kadib markii Guddiga xulista uu ka reebay 20 xubnood oo lagu eedeeyay qabqablenimo, taasoo keentay in dacwad iyo cod uu qaaday Baarlamaankaasi loogu ogolaado inay uga mid noqdaan.
Baarlamaankii 2016 waxaa cadaadis weyn saaray madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh oo ka hor istaagay inuu soo galo, wuxuuna dowladda Farmaajo u noqday taageere inkastoo aanu wax xil ah heynin muddo 2 sano iyo Bar ah. Waxaa 22-ka Bishan loo magacaabay xilka Guddoomiyaha G/banaadir iyo Duqa Muqdisho.