Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»KASHIFAAD: Yaa qaatay Mushaarkii Ciidamada Gadoodsan..? [Akhri fadeexadda Taliyaha Ciidamada Xoogga]

    KASHIFAAD: Yaa qaatay Mushaarkii Ciidamada Gadoodsan..? [Akhri fadeexadda Taliyaha Ciidamada Xoogga]

    March 12, 2017Updated:March 12, 20173 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    ????????????????????????????????????
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ciidamo ka tiran kuwa milateriga ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa maanta ku dhaqaaqay gadood ay ku xireen qaar ka mida wadooyinka Muqdisho iyagoo ka cabanaya mushaar ka maqan muddo 10 bilood ka badan.

    Xog ay heshay Wadani.com ayaa lagu ogaaday in ciidamada gadoodka ay ka mid yihiin dhowr qeybood oo mushaar ka maqan yahay muddo 13 bilood ay isla markaana xuquuqdoodii la musuqmaasuqay.

    Ciidamada mushaarka ka maqan yahay…?

    Guud ahaan ciidamada mushaarka ka maqan yahay 13-ka bilood ayaa tiradoodu gaareysaa 3500 askari oo milateriga ka tirsan, waxayna kala yihiin:

    1- Ciidamada Madaxtooyada Villa Somalia

    2 – Ciidamada xerada Warshadda Nacnaca

    3 – Ciidamada Badda

    4 – Ciiidamada Cirka

    5 – & Ciidamada Guutada 60-aad ee xoogga dalka.

    Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneral Maxamed Aadan Axmed

    Yaa mushaarka siiya ciidamadan…?

    Ciidamada aan kor ku soo sheegnay waxay ka mid yihiin in ka badan 10,000 askari oo Mareykanku bixiyo mushaarkooda bil waliba, isla markaana heli jiray mushaarkooda ka hor marka xaaladan qabsatay ee xuquuqdoodii laga qaatay.

    Halkee ka baxay mushaarkoodii..?

    Mushaarka ciidamadan waxaan baaritaan dheer kadib ay Wadani.com ogaatay in mushaarkii loogu talogalay loo wareejiyay degaanada Puntland oo magacyadoodii ay ku qaateen mushaarka ciidamo ku sugan maamul Goboleedka Puntland oo maamulkaasi hoos taga.

    Arrintan waxaa ka danbeeyay taliyaha ciidamadda xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. Maxamed Aadan Axmed oo falkan musuqmaasuqa ah ku dhaqaaqay bilowgii sanadkii 2016, waxaana laga war helay bartamihii 2016 oo diyaargarowga iyo ololaha doorashada uu socday.

    Wararka qaar ayaa sheegaya inuu arrinta la ogaa Ra’iisal wasaarihii hore Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, isla markaana ay dood ka keeneen taliyeyaasha ciidamada iyo wasiirada xukuumadda qaarkood, basle waxba laga qaban waayay, markii Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ka gaabsaday.

    Maxaa keenay Gadoodka ciidamada…? 

    Ciidamada kaliya ee gadooday ayaa ah kuwa ku sugan Warshadda Nacnaca ee duleedka Muqdisho, waxaana la sheegay inay yihiin kuwa xaaladoodu ugu liidato, marka loo eego ciidamada kale.

    Ciidamada Villa Somalia ayaa hela Gunnooyin kale oo aan ahayn mushaar, halka ciidamada Badda iyo Cirka ay yihiin kuwo bilow ah oo aan awood badneyn, isla markaana tiro badneyn.

    Ciidamada gadooday ayaa duhurtii maanta qabsaday Abaanduulaha ciidamada Cali Baashi Maxamed Xaaji kadib markii ay waayeen Taliyaha ciidamada xoogga Gen. Maxamed Aadan, waxaana markaas kadib xaalada soo dhex galay madaxda dowladda Soomaaliya, iyadoo la siiyay mushaar yar oo kumeelgaara.

    Maxaa laga qaban doonaa arrintan..?

    Warbixin musuqa iyo fadeexada uu ku kacay taliyaha ciidamada Xoogga dalka Jeneral Maxamed Aadan Axmed waxaa ka war helay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

    Lama oga tallaabada ay ka qaadi doonaan arrintan, waxayse noqon doontaa mid lagu hubiyo daacadnimadooda iyo sida ay uga go’an tahay wax ka qabashada musuqmaasuqa baahay ee madaxda ciidamada iyo kuwa rayidka ahna.

    U GAARA GOOBJOOGE.CCOM

    F.G: Warbixintan lama qaadan karo, lamana guurin karo iyadoo aan fasax loo heysan

    ciidamada xoogga ciidamo gadooday Jen. Maxamed Aadan Taliyaha Xoogga Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDEGDEG: Ciidamada gadoodsan oo xero milateri ku qabsaday Abaanduulaha Milateriga
    Next Article Madaxweyne Farmaajo oo codsi qiiro leh u diray Dadka Soomaaliyeed

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo