Xiriirka Kubadda cagta dalka Kenya ayaa diiday inuu martigeliyo lugta labaad ee ciyaarta is reebreebka Olombikada 2016 ee Soomaaliya iyo Rwanda, ciyaartaas oo la filayay inay dhacdo 9 May 2015. Waxaana iminka ciyaartaasi loo wareejiyay dalka Jabuuti markii ay Kenya ku gacan seyrtay inay marti geliso.
Xulka da’doodu ka yar tahay 23-ka ee Soomaaliya aya lugtii hore looga soo badiyay 0-2 ciyaar ka dhacday magaalada Kigali, wuxuuna xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ka codsaday in ciyaarta labaad lagu qabto Nairobi garoonka ku yaala ee Kasarani 9-ka bishan, laakiin Xiriirka kubadda Cagta Kenya (Football Kenya Federation) ayaa diiday codsiga Soomaaliya isagoo sheegay inaysan soo marin wasaaradda arrimaha dibadda Kenya kana helin ogolaansho taasoo ay sabab uga dhigeen xaaladda ammaanka gobolka oo qasab ka dhigeysa in marka hore wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Kenya ogolaanasho bixiso. Waxaa sidan war saxaafadeed ku sheegay xoghayaha xiriirka kubadda cagta Kenya Michael Esakwa.
Dhinaca kale xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya ayaa ku eedeeyay dhiggiisa Kenya inaysan wax wada shaqeyn ah u muujin ah, sida uu ku dooday madaxda warfaafinta xiriirka kubadda cagta Soomaaliya Shaafici Mohayadiin Abukar oo sheegay in ciyaartoyda Soomaalida ay hore loo siiyay fiisooyinka ay Kenya ku joogi lahaayeen, go’aanka xiriirka Kenya ayuu ku sifeeyay inu u yahay mid dhinaca aan wanagsanayn u socda oo dhaawaceysa xiriirka labada xiriir.
Shaafici wuxuu sheegay in ciyaartaasi loo wareejiyay dalka Jabuuti oo isla markiiba aqbalay codsiga Soomaaliya ee marti gelinta ciyaarta labaad.
Source: Daily Nation
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-6″]