Wednesday, May 14, 2025

Kenya oo shaacisay sawirada xubno Alshabaab ah oo weerar u qorsheynaya Gobolka Xeebta

Kenya ayaa shaacisay goor dhow sawirda afar  xubnood oo ay sheegtay inay ka tirsan yihiin Alshabaab oo qorsheynaya inay weeraro aragagixiso ku qaadaan Gobolka Xeebta ee dalka Kenya. Waxaana xubnahaasi oo dhamaantood Kenyan la waayay ah loona maleynayo inay Alshabaab ku biireen la dul dhigay lacago abaal marin ah oo la siinayo qofkii keenta warbixin lagu soo qaban karo.

Sawirada afarta ruux ee la baadi goobayo ayaa dowladda Kenya iyo laamaheeda amniga ay sheegayaan inay aakhirka toddobaadkan weerar ku qaadi doonaan gobolka Xeebta. Booliska Kenya ayaa ku doodaya inay ALshabaab ka mid noqdeen xubnahan kadibna lagu soo celiyay Kenya si ay weeraro uga fuliyaan.

wanted-shabab

Ad

Xubnahan waxay kala yihiin:

Abulkadir Abubakar Abdulkadi (Gabdho walaalo la ah ayay ciidamada Kenya ka qabteen iyagoo doonaya inay Soomaaliya u gudbaan)

Laba nin oo walaalo ah Ahmed Sacid Omar (Dogo), iyo Hussein Sacid Omar(Babli).

Cisse Abdullahi Kauni
Booliska Kenya ayaa Laba milyan oo Shilinka Kenya ay u balan qaaday ciddii keenta warbixin xubnahaasi lagu soo qaban karo.
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-6″]
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON