Tuesday, May 13, 2025

Golaha Wasiirada sidee ku magacaabi karaan taliyeyaasha ciidamada? (Faaqidaad sharci darro)

Shirkii Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta looga dhawaaqay in Golaha wasiirada ay magacaabeen Taliyeyaasha ciidamada Booliska iyo Asluubta ee dalka. Shirka uu uu guddoominayay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid waxaa dood badan ka dhalatay labada shaqsi ee xilalka loo magacaabay, iyadoo xubnaha Golaha Wasiirada ay beel ahaan fikirkooda ku saleynayeen,

DastuurG

Waxaa si rasmi loogu dhawaaqay in:

Ad

Taliyaha ciidamada Booliska loo magacaabay Jen. Maxamed Sheekh Xaamud

Taliyaha ciidamada Asluubta loo magacaabay Jen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe)

Dhacdadaasi kadib Warbaahinta Qaranka ku soo baxay warkan oo cinwaankiisu yahay:

- Advertisement -

War-radioM

Haddaba Goobjooge.com waxay dib u eegeysaa sharcinimada tallaabada ay qaadeen Golaha wasiirada, waxaana marka la fiiriyo Dastuurka KMG ah ee dowladda ku dhisan tahay ay noqoneysaa magacaabidda Golaha wasiirada mid sharci darro ah, maxaa yeelay magacaabidda Taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida waxaa xaq  u leh Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya. Doorka Golaha wasiirada wuxuu ku kooban yahay talo soo jeedin sida uu dhigayo qodobka 90-aad ee Dastuurka faqradiisa (C).

dastuurM

[ad name=”HTML-1″]

- Advertisement -

Arrintan waxay ahayd tii salka u ahayd khilaafkii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed kadib markii Golaha Wasiirada ay xilka ka qaadeen Taliyihii Nabadsugidda ee xilligaasi C/laahi Maxamed Sanbaloolshe. Awoodaha madaxweynaha iyo Golaha wasiirada waa kuwo wada shaqeeya oo isku xiran, xitaa haddii ay isaga raali yihiin labada dhinac waxaa muhiim ah in sharciga la raaco oo dhinac waliba doorkiisa qaato.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaad moodaa inuu ka tanaasulay qaar kamida awoodihiisii isagoo ku mashquulsan ama maroorsaday awoodo kale oo aanu dastuurku siin oo qaarkood ay xitaa leeyihiin agaasimeyaal. Waxaa kaloo la yaab leh in Gole Wasiiro oo ka kooban in ka badan 60 xubnood oo sharci yaqaano ku jiraan inay ku dhawaaqaan:

GOLAHA WASIIRADA OO MAGACAABAY TALIYEYAAL CIIDAN

Haddii meel la iska dhigo in Madaxweynaha ogyahay ama raali ka yahay tallaabadan ay qaadeen Golaha wasiirada, waxaa sharci darro ah in sidan loo dhigo arrintan waxayna sida toosani ahayd in la yiraahdo:

GOLAHA WASIIRADA OO SOO JEEDIYAY IN LA MAGACAABO TALIYEYAAL

Arrintu si kastaba ha ahaatee waxay xaaladan iyo kuwo kale oo la mida sida in GOLAHA WASIIRADA OO MAGACAABAY DANJIREYAL marka aad maqasho aad ogaaneysaa in wax waliba isku qasan yihiin oo kuwii sharciga ay dhigteen ilaalin lahaa ay jebinayaan, Madaxweynaha oo xilka ugu horeeya ka saaran yahay ilaalinta Dastuurka uu ku dhaartayna kaga mashquulay arrimo kale.

FAAQIDAAD: Goobjooge.com

[ad name=”HTML”]

 

[ad name=”HTML-6″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON