Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee uu hogaamiyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku dhawaaqay inuu bilaabayo canshuur toos ah oo ka madax bannaan dowladda Federaalka kadib markii ay wada shaqeyn ka waayeen xukuumadda Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Maamulkaasi C/llaahi Sheekh Xasan oo shir jaraa’id ku qabtay Baydhaba ayaa sheegay in Maamulkooda ay billaabayaan in ay qaadaan Canshuurta Dalagga iyo Ganacsiga ee degaannada Maamulkaasi hoos yimaada.
Wuxuu intaas ku daray in Wasaaradda Ganacsiga ee Soomaaliya ay muddo hore oo sanad laga joogo u qoreen Qoraal ay kaga codsadeen inay qaaddo Canshuurtaasi, laakiin socon weyday oo aysan wax jawaab ah ka helin.
C/llaahi Sheekh ayaa ku eedeeyay dowladda Federalka iyo wasaaradda ganacsiga in Maamulka Koofur Galbeed aan lagu casuumin Shirkii Wasaaradda Ganacsiga ee Federaalka iyo maamul Goboleedyada oo dhowaan Muqdisho k dhacay, isagoo caddeeyay inaysan wax shaqo ah ku lahayn wixii kasoo baxay shirkaasi.
Wadani.com