Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Khataraha Khaarijinta (assassination) ee Ikraam Tahliil shaaca ka qaaday (Qormo culus)

    Khataraha Khaarijinta (assassination) ee Ikraam Tahliil shaaca ka qaaday (Qormo culus)

    September 23, 2021Updated:September 23, 20214 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Commentary on Presidential Decree Legalizing 2016 Election
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ololaha lagu codsanayo baarista iyo horgeynta cadaaladda kiiska khaarijinta Sarkaalad Ikram Tahlil Faarax la tuhunsan yahay inay mas’uul ka yihiin saraakiil ka tirsan hay’adda Nabadsugidda (NISA) wuxuu shaaca ka qaaday khataro badan ee halis ku ah nolosha, hantida, karaamada, horumarka, iyo dowladnimada guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacbiga ku nool gobolka Benadir iyo dowlad goboleedyada dowladda federaalka ku amar taagleyso.

    Dhibka iyo culeyska amar ku taagleynta dowladda federaalka wuxuu ku dhaca ama saaran yahay shacabka ku nool Gobolka Benadir iyo dowlad goboleedyada Hirshabelle, Galmudug, iyo Koofur Galbed.

    Shanta sano ku dhawaadka Farmajo Madaxweynaha ka ahaa Soomaaliya waxaa daaqadda ka baxay ilaalinta sharciga iyo xuquuqda siyaasadeed ee muwaadiniinta soomaaliyeed, daahfurnaanta iyo la xisaabtanka hay’adaha iyo mas’uuliinta dowladda federaalka, ilaalinta dhaqanka wanaagsan ee dowladnimo, iyo dardargelinta horumarka dalka. Waxaa xoogeystay dhaqanka keligi talisnimada sida ka sarreynta sharciga, eexda iyo kala qaybinta bulshada, dhirrigelinta afminshaarnimada, baahida laalushka iyo musuqmaasuqa, abuuritaanka ciidammo qarsoodi ah oo ka baxsan dastuurka, kana amar qaata shakhsiyad gaar ah, cabburinta guud ahaan shacabka, gaar ahaan mucaaradka, iyo dibin daabyada iyo boobka doorashada, iyo u adeegidda dowladu shisheeye ah.

    Warqadaha isburinaya ee Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku weeraray Ra’iisul Wasaare Maxamed Xussein Roble waxay shaaca ka qaadeen khataro halis ku ah jiritaanka dowladnimada Soomaaliya iyo miisan la’aan hoggaamineed. Farmajo ma cuskanayo qodob dastuur ama sharci ee la xiriira arrinta uu ka hadlayo, ama wuxuu cuskanaya qodob ka saabsan mas’uuliyadda iyo awoodaha Madaxweynaha haseyeeshe aan wax shaqo ah ku laheyn awaamirta u bixinayo.

    Warqadaha Farmaajo waxay abuureen jaahwareer iyo walaahow aan nuxur ku fadhin, dadweynaha lagu cabsi gelinayo in guryaha iyo hantida reer Muqdisho la burburinayo haddii aan la aqbalin amarrada qaldan ee Farmaajo. Warqadaha isburrinaya waxay shaaca ka qaadeen in:

    1. Farmajo ma akhrin ama ma aqoonsana dastuurka asagoo loo doortay inuu ilaaliyo ku dhaqanka dastuurka iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed. Ilaalinta Midnimada wuxuu ku beddelay kala qaybinta Ummadda Soomaaliyeed.

    2. Farmajo ma aqoonsana kala qaybsanaanta awoodda dowladda ee sharci dejinta, Laanta Fulinta, iyo Garsoorka. Madaxweynaha kama ka mid ahan saddexda awoodood ee uu yahay geed fadhiye, hogaan haye, ama goolhaye qaranka. Madaxweynaha wuxuu saxiixa sharciga dalka lagu maamulo. Ma sameeyo, ma fuliyo, mana dabaqo sharciga.

    3. Farmajo ma aqoonsana in dastuurka oggol yahay 4 ciidan keli ah oo hub qaadan kara, ciidan kastana hoos yimaado talis hoos yimaada Laanta Fulinta. Dastuurka ma oggolaha ciidammo aan hoos imaaneyn 4 talis midkood.

    5. Farmajo si qaldan ayuu u fahmay kalmadaha ku qoran dastuurka oo kala ah “Astaanta midnimada qaranka,” iyo “Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida.” Labada kalmadood ma ahan awoodo la siiyay Madaxweynaha ee waa xilal laga rabo inuu Madaxweynaha guto. Awoodaha iyo xilalalka kale ee Madaxweynaha la siiyay waxay ku cad yihiin qodobka 90 ee dastuurka kmg.

    6. Farmajo ma aqponsana inay tahay dambi in dowladdu bixiso Diyo. Dowladda waxay bixisa magdhaw, cawlcelin ay maxkamad go’aamiso ama oggolaato kaddib marka la caddeeyo dambiga dhacay iyo cidda mas’uulka ka ah.

    7. Farmaajo ma aqoonsana inay dambi tahay inuu hor istaago dacwo u dhexeysa muwaadin Soomaaliyeed iyo hay’ad dowladeed oo garsoorka ku shaqo leeyihiin.

    8. Farmajo ma aqoonsana inay sharcidarro tahay u magacaabidda Fahad Yaasin xilka Lataliyaha Ammaanka Madaxweynaha kaddib markii laga qaaday xilkii Agaasimaha Guud ee NISA asagoo lagu tuhmay inuu ku lug lahaa khaarijinta sarkaalad Ikram Tahlil. Hay’adaha Caalamka lama shaqeynayaan shakhsiga lagu tuhunsan yahay khaarijinta qof bani’aadam ah.

    9. Farmajo ma aqoonsana Barlamaanka Federaalka sharciga ah (muddo xileedkiisa uusan dhammaan) iyo Garsoorka ku shaqo leeyihiin ilaalinta howl fulinta Laanta Fulinta.

    10. Farmajo ma garowsana in khaarijinta (assassination) sarkaal ka tirsan Nabadsugidda dowladda ay aad uga duwan tahay dilka dad badan, waajibna tahay in dhaqso lagu gungaaro.

    11. Farmajo ma aqoonsana in ilaalinta dastuurka, danta guud, iyo dhaqanka wanaagsan ee dowladnimo ay mudnaanta ka leeyihiin ilaalinta qof aad saaxib tihiin. Waxaa jira qaab sharciyadeed, maamul, ama siyaasadeed ee saaxiibka laga gardaran yahay isku difaaci karo.

    12. Farmajo ma dhibayso dhibaatada shacabka iyo dalka ka soo gaaraya buuqa iyo qalalaase siyaasadeed ee uu abuurayo xitaa haddii uu socdo sannado. Wax walba waxaa uga muhiimsan in rabitaankiisa sharcidarrada ah u meelmaro.

    W/Q: Dr. Maxamud M. Culusow

    Commentary on Presidential Decree Legalizing 2016 Election
    Ikran Tahlil Farah Maxamuud Culusow Qormo
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWasiirka Qorsheynta oo xaalad kacsan ka abuuray Garowe iyo ciidamo isku hor fadhiya Garoonka…
    Next Article Website-kii Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya oo la jabsaday, kadibna hawada laga…

    Related Posts

    Maxaa Addis Ababa ku qabsaday Xasan Sheekh? (3-da Aragti ee Mucaaradka Madaxweynaha)

    February 18, 2024

    Maxaa lagu diidan yahay Hab-raaca lagu muransan yahay ee Dastuurka..?

    January 24, 2024

    Hadal jeedinta Madaxweynaha iyo Waxyaabihii la tabey ee ka Maqnaaa (Qormo).

    January 3, 2024

    Yusuf Garaad oo ka hadlay Dhibaato culus oo ka jirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    November 29, 2023

    5 Arrin oo lagu diidan yahay Qorshaha Dastuurka ee Xasan Sheekh iyo waxa ka dhalan kara

    November 27, 2023

    C/raxman C/shakuur oo Qoraal talo- culus xambaarsan u diray Siciid Deni

    November 7, 2023

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo