Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»KHAYRE TEG EELSE REEB (Qormo)

    KHAYRE TEG EELSE REEB (Qormo)

    August 2, 2020Updated:August 2, 20204 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email
    DOQONI QUFACDAY MEEL LAGA RAACAYNA MATAQAAN.!! | Midnimo Online ...

    W/Q: Abdulkadir Dulyar

    Si kastoo la isugu dayay in wax looga bedelo dhaqan siyaasadeedka Soomaaliya soo ragaadiyay ee muddada dheer la iska soo dhaxlayay, misna waxaa muuqata in dhaqamadaas laga maarmi waayay oo ugu dambeyn waxey noqdeen wax kastoo dhacay sidoodii hore, sida Baarlamaan mooshin wada, Madaxweyne iyo Reysalwasaare kala taga, khilaaf siyaasadeed abuurma xiliga doorashada iyo beesha Caalamka oo ku fal celisa cambaareyn;

    • Madaxweyne Farmaajo oo madaxdii kaga horeysay kursiga ku dhaliili jiray iney wada shaqeyn waayeen iyaga Reysalwasaareyaashii ay soo xusheen oo uu isaguba ka mid ahaa (Kampala Accord)-na ku baxay, ayaa maanta ka mid noqday liiska saaxiibadiisii hore, islamarkaana maray wadadoodii.
    • Baarlamaankan oo la filayay inuu ka qaangaaray dhaqamadii hore ayaa isaguna mudadiisa miiska soo saaray 2 Mooshin oo xilalkii looga kala qaaday Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka iyo Reysalwasaarihii hore ee xukuumadda, sidoo kalena waxaa la rumeysan yahay in Baarlamaanka oo kaashanaya Madaxweynaha ay meesha ka saareen shaqadii Aqalka Sare, oo haatan Gudoomiyahoodii dibad wareeg yahay.
    • Mr Kheyre oo isna runtii ka nasiib iyo hoodo badnaa Reysal Wasaareyaashii xilka kaga horreeyay, marka laga fiiriyo mudada 3 sano iyo barka ah ee uu xilka hayay iyo awoodaha dheeriga ah ee uu isticmaalayay oo ah labo fursadood oo aaney helin saaxiibadii kursiga kaga horeeyay, ayaa isagana xil-ka-qaadistiisii kedisada aheyd waxey dibada u soo saartay in isaga iyo Madaxweynehiisu ay khilaaf ku kala tageen, sidaana wuxuu uga mid noqday liiska Reysal wasaarayaashii khilaafka kaga baxay xeyndaabka Dowlada.

    – Dhanka kale, inkastoo MD Farmaajo iyo Ex RW Kheyre ay in mudo ah khilaaf kooda hoos u qarsanayeen, haddana waxaa la rumeysan yahay in shirkii Dhuusamareeb uu ahaa midka wax kastoo jiray dibada u soo saaray. Maadaama uu madaxweynuhu Dhuusamareeb ugu tegay qorshe halis ku ah oo ay RW kheyre iyo Madaxweyne Goboleedyadu isla diyaariyeen, kaas oo ahaa in marka ugu horeysa meesha laga saaro Baarlamaanka waqtigiisu sii dhamaanayo.

    Qorshuhuna waxa uu ahaa marka uu dhamaado shirka Dhuusamareeb in Madaxweyne Goboleedyadu ay qaab wada tashi ah ugu yeertaan xubnaha maamul goboleed-yadooda ku matala Baarlamaanka iyo Aqalka sare, si marka ay u kala ambabaxaan deegaannada laga soo doortay loo kala mashquuliyo iyaga iyo Madaxweyne Farmaajo, waqtigana sidaas looga dhameeyo. Marka la gaaro balanta kulanka 2 aad ee 15ka August loo madlan yahay Dhuusamareebna leysugu tago iyadoo MD Farmaajo aaney xarigiisa xoolo ku jirin, dabadeedna miiska loo soo saaro in doorashadu noqoto mid dadban oo ay maamulaan Odayaasha dhaqanku, islamarkaana Baarlamaanka waqtigiisu sii dhamaanayo sidaa lagu kala diro.

    Balse Madaxweyne Farmaajo oo arrinkaas u gows qaniinay ayaa soo xiristii shirkii Dhuusamareeb carabka ku dhuftay in Baarlamaanka leyskula tegi doono, markuu soo laabtayna wuxuu Gudoonka baarlamaanka dhegaha ugu shubay shirqoolka loo maleegay, isaga oo ka dalbaday in ugu horeyn meesha laga saaro Saaxiibkiis Kheyre, si uu u kala dhantaalo awoodda siyaasadeed ee loo diyaariyay, waxeyna shaxda Dhuusamareeb isku doon wada saartay Madaxweynaha iyo Baarlamaanka oo qorshahoodu yahay in aaney gacantooda ka bixin doorashada la filayo 2021-ka iney dalka ka dhacdo, iyo in la helo waqti dheeriya oo howlahaas lagu maareeyo maadaama lagu eedeeyay Xukuumadda la kala diray iney ka gaabisay qabashada doorasho Qof iyo Cod ah oo waqtigeeda ku dhacda. Waxeyna labadooduba waa Gudoonka Baarlamaanka iyo Madaxtooyadee weli ku adkeysanayaan iney waqtigeeda ku dhici doonto doorasho QOF iyo COD ah.

    Inkastoo ay arrinkaas shaki weyn ka muujinayaan siyaasiyiinta mucaaradka ah, Reysal Wasaarihii hore, Maamul Goboleedyada, iyo dadka rogroga Siyaasadda Soomaaliya, hadana Ciyaar Siyaasadeedka Madaxweyne Farmaajo iyo Gudoonka Baarlamaanku ay dhowaan soo bandhigeen kuma ekaan xil ka qaadista RW Kheyre ee waxaa wax ka bedel degdeg ah lagu sameeyay shaqaalihii Xaafiiska Reysal wasaarihii hore qaarkood, waxaana shaqadoodii dardar geliyay Golihii la kala diray ee Wasiirada, oo markaan iyagoo KMG ah durba ansixin iyo magacaabis ku sameeyay todobaadkan sharciyo iyo heshiisyo mudo dheer miiskooda yaalay, sida:

    1 -Heshiiska ka faa’ideysiga kheyraadka dalka

    2- Heshiisyada Turkiga iyo Geeska Africa iyo

    3- Ansixinta Golayaal Garsoor oo sida la rumeysan yahay salka ku haya dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah, si ay u xukmiso go’aanada hey’addaha dowlada iyo murannada siyaasadeed ee dalka, taas oo sababta keentay in xilligan la dhiso ay dhalisay shaki ah in qorshe kale laga leeyahay, hadana hadiiba la dhiso waa tilaabo wanaagsan oo ay ku dhiirran waayeen dhamaan Madaxda dowladihii hore ee dalka soo maray. Waxeyna u muuqataa in meel marinta qodobadaan uu in mudo ah hortaagnaa kuna fadhiyay Mr. Kheyre.

    Markase indho fog lagu eego xaalada Siyaasadeed ee dalka, waxaa hareeraha Madaxtooyada ka muuqda walaac laga qabo sida ay wax u socdaan…

    Maxaa yaab isdabayaal.!!

    W/Q: Abdulkadir Dulyar

    Dulyar Kheyre Qormo
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadasha Xisbiyada oo Digniin ku saabsan Golaha Adeegga Garsoorka u dirtay Madaxweyne Farmaajo
    Next Article Siciid Deni: “Waxaan leeyahay Madaxweyne Farmaajo Arrintaas haka digtoonaado…”

    Related Posts

    Maxaa Addis Ababa ku qabsaday Xasan Sheekh? (3-da Aragti ee Mucaaradka Madaxweynaha)

    February 18, 2024

    Maxaa lagu diidan yahay Hab-raaca lagu muransan yahay ee Dastuurka..?

    January 24, 2024

    Hadal jeedinta Madaxweynaha iyo Waxyaabihii la tabey ee ka Maqnaaa (Qormo).

    January 3, 2024

    Yusuf Garaad oo ka hadlay Dhibaato culus oo ka jirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    November 29, 2023

    5 Arrin oo lagu diidan yahay Qorshaha Dastuurka ee Xasan Sheekh iyo waxa ka dhalan kara

    November 27, 2023

    C/raxman C/shakuur oo Qoraal talo- culus xambaarsan u diray Siciid Deni

    November 7, 2023

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo