Magaalada Muqdisho waxaa ka socda xodxodasho iyo kala jiidjiidasho la kala jiidjiidanayo xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, ayadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisadda ku saabsan mooshinka codka kalsoonida la doonayo in loogu qaado guddoomiyaha Baarlamaanka.
Xildhibaannada ka hor jeeda mooshinkaas waxay kalsooni darro ka muujiyeen xarunta Baarlamaanka oo ciidamo ka duwan kuwii hore ay amniga la wareegeen, iyadoo xukuumadda lagu eedeeyay inay ciidamo ka amar qaata u dirtay xarunta Baarlamaanka kadib muranka ka dhashay Mooshinka.
Xildhibaan Maxamed Isaaq Cismaan (Fanax) oo xildhibaannadaas ka tirsan wuxuu ku doodayaa in ciidankaas ay yihiin kuwo ay xukuumaddu soo dirsatay, kuwaasoo “haysta xarunta Baarlamaanka”, halka ciidankii hore ay ahaayeen “kuwo gunnadoodu ay ku jirtay miisaaniyadda Baarlamaanka”.
Wuxuu qabaa in codka mooshinka lagu qaado hoolkii ay ka dhacday doorshadii madaxweynaha bishii Febraayo 2017, ee gudaha xerada Afisiyoone. Wuxuu kaloo intaa ku daray in loo baahan yahay in codayntu noqoto mid qarsoodi ah.
Dhanka kale, xildhibaannada qaba in xarunta baarlamaanka lagu qabto cod u qaadidda mooshinka ayaa ku doodaya in aysan jirin sabab loo aado goob kale oo aan ahayn xarunta Baarlamaanka.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa ayaa wuxuu meesha ka saaray inaysan jirin ciidan u gaar ah amniga Baarlamaanka iyo kuwo qabsaday toona. “Sidee baynu ciidankii dalka qaarna u dugsanaynaa, qaarna uga dareen qabaynaa” ayuu yiri.
Dooddan ayaa ku soo aadaysa ayadoo guddoomiyaha Baarlamaanka uu AMISOM ka codsaday in codaynta mooshinka lagu qabto gudaha xerada Afisiyoone, bacdamaa uusan kalsooni ku qabin dhismaha xarunta Baarlamaanka.
Dhinaca kale waqtiga loo heysto in la bilaabo ka doodista baarlamaanka ayaa gabaabsi ay iyadoo 14-kii bishan uu mooshinka qabtay guddoomiye ku xigeenka, waxaana 10-ka cisho ee xeer hoosaadku qabo ku dhammaaneysaa sabtida 24-ka bishan.