Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»Khudbadii Madaxweyne Farmaajo ka jeediyay Shir Madaxeedka Midowga Afrika ee Addis [Akhriso]

    Khudbadii Madaxweyne Farmaajo ka jeediyay Shir Madaxeedka Midowga Afrika ee Addis [Akhriso]

    February 10, 2019Updated:February 10, 20194 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka mida madaxda ka qeyb galeysa shir madaxeedka 32aad ee dalalka Midowga Afrika ayaa khudbad ka jeediyay shirka.

    Shirka ayaa looga hadlyaa arrimaha Qaxootiga iyo Barakacyaasha, waxaana ka qeyb galay in ka badan 25 hoggaamiye oo afrikaan ah iyo madax ka socota ururrada caalamiga ah.

    HOOS KA AKHRISO KHUDBADDA MADAXWEYNE FARMAAJO

    Mudane Paul Kagame, Guddoomiyaha Wareejinaya Xilka Midowga Afrika iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Rwanda,

    Mudane Dr. Abiy Axmed, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya,

    Mudanayaal iyo Marwooyin, Madaxda Dowladaha iyo Xukuumadaha, Mudane Moussa Faki Mahamat, Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika; Martida Sharafta leh,

    Mudanayaal iyo Marwooyin

    Ii oggolaada inaan Madaxweyne Paul Kagame si mug leh ugaga mahadceliyo hoggaamintii heerka sarreysay ee uu sannadkii la soo dhaafay ku soo maamulay Midowgeenna. Waxaan isna soo dhawaynayaa Mudane Cabdil Fataax El-sisi, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar oo ah Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika, waxaana u rajaynayaa guul.

    Sidoo kale, aan walaalkay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, Dowladda iyo shacabka Itoobiya uga mahadceliyo martisoorka diirran ee aniga iyo wafdigayga naloo fidiyay muddadii aanu ku sugnayn magaaladan taariikhiga ah ee qurxoon, Addis Ababa.

    Mudanayaal iyo Marwooyin,

    Sharaf bay ii tahay inaan qayb ka ahaado munaasabaddan kalfadhiga 32aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika, iyada oo cinwaankiisu yahay “Qaxootiga, Barakacayaasha Gudaha iyo kuwa Dibedda ka soo laabanaya ee Afrika.”
    Cinwaanka sannadkani waxa uu muhiim u yahay Afrika, gaar ahaanna Soomaaliya.

    Waxaan doonayaa inaan Ururka Midowga Afrika iyo dalalka xubnaha ka ah uga mahadceliyo dadaalka ay geliyeen in ajendaha sannadkan lagu daro deyn cafiska Soomaaliya. Deyn cafisku waxa uu qayb ka qaadan karaa in la helo khayraadkii dib loogu dhisi lahaa, laguna horumarin lahaa dalka, iyo in xal waara loo helo barakacayaasha Soomaalida.

    Abaal ayaanu u haynaa dalalka Afrika ee martigeliya qaxootiga Soomaaliyeed, gaar ahaan waddamada dariska nala ah. Run ahaantii, martisoorka Afrika waa mid tixgelin mudan.Waxaanu sidoo kale u mahadcelinaynaa cid kasta oo dowladda dhexe iyo dowladda hoose ka caawisa dib u dejinta barakacayaasha gudaha iyo kuwa dibedda ka soo laabanaya.

    Mudane Guddoomiye,

    Baahi weyn ayaa loo qabaa dardargelinta dhismaha hay’ad gargaarka ka shaqaysa si xal xal waara oo casri ah loogu helo qaxootiga iyo kuwa ugu nugul shacabkeenna. Baahi weyn ayaa sidoo kale loo qabaa in qaxootiga la siiyo xorriyadda dhaqdhaqaaqa, xaqa lahaanshiyaha dhulka, iyo inay shaqo raadsadaan, ganacsiyo furtaan, fursad u helaan adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka, loona fududeeyo helidda dhammaan waraaqaha iyo sharciyada lagama maarmaanka ah, si qaxootiga loogu suurtageliyo in ay horumar sameeyaan, si sharaf lehna ugu dhex noolaadaan dalalka iyo bulshooyinka martigeliyay.

    Mudanayaal iyo Marwooyin,

    Iyada oo ay muhiim tahay in aan xal waara u raadinno barakaca Afrika, waxaa sidoo kale lagama maarmaan ah inaan ka shaqeyso helidda siyaasado iyo shuruuc horusocod ah oo la xiriira qaxootiga.

    Midowga Afrika waxa uu leeyahay qorshayaal lagu xallin karo sababaha asaasiga ah ee keena barakaca. Hiigsiga Midowga Afrika ee ku aaddan in sannadka 2020 la dhigo qoriga kaasi oo soo bandhigaya siyaabaha lagu yarayn karo dagaallada waxa uu qayb ka qaadanayaa in qaaradda laga suurtageliyo nabad iyo amni. Soomaaliyana waxa ka go’an inay dadaal geliso gaarista hiigsigan.

    Qorshahayaga Horumarka Qaran waxa uu si gaar ah uga hadlayaa baahiyaha kooxaha dhibaatada u nugul ee bulshadeenna sida Qaxootiga, Barakacayaasha gudaha iyo kuwa dibedda ka soo laabanaya.

    Labadii sanno uu la soo dhaafay, waxaannu ka shaqaynay qoridda Qorshe Qaran oo xal waara loogu raadinayo qaxootiga iyo barakacayaasha kaasi oo waafaqsan qorshayaasha heer gobol, qaarad iyo caalamka.

    Mudane Guddoomiye, Mudanayaal iyo Marwooyin,

    Waxaan dalalka Afrika ugu baaqaynaa inay qaadaan tallaabooyin cayiman si shucuubteenna dhibban meel kasta oo ay kaga sugan yihiin qaaradda loo dareensiiyo inay joogaan gurigoodii, iyada oo lagu dadaalayo in meesha laga saaro sababaha asaasiga ah ee keena noocyada kala duwan ee barakaca.

    Mahadsanidiin.

    Addis Farmajo Midowga Afrika
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous Article81 sano jir 20 sano Madaxweyne ahaa, Kursina lagu wado oo markii 5aad isu sharxay xilka [Sawirro]
    Next Article Weerar Bam oo lagu qaaday ciidamo ku sugnaa Bar kontrol Magaalada Muqdisho..

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo