Kolonyo ay leeyihiin ciidamada AMISOM ayaa shil qasaare iyo rabshado dhaliyay ku galay degaanka Ceelasha Biyaha ee degmada Afgooye.
Mid kamida Gawaaridda Gaashaaman ee AMISOM oo ka mid ahaa kolonyada ayaa deegaanka Ceelasha Biyaha ku jiiray Mooto ay saarnaayan saddex qof oo dhalinyaro ah, iyadoo midkood uu isla goobta ku dhintay, labadii kalena dhaawacyo kasoo gaareen.
Shilka ayaa ka dhacay deghanka Quraca Dhimbil ee Ceelahsa Biyaha, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in si ula kac ah uu gaariga AMISOM u dul maray Mootada oo wiilka dhintayna uu madaxa ka burburay, waxaana dhacday in Kolonyadii AMISOM ay goobta ka isaga tagta iyadoo socodkooda u joojin shilka ay galeen.
Dadka degaanka Ceelasha Biyaha oo goobta shilka ka dhacay isugu soo baxay ayaa iyagoo careysan bannaanbax dhigay, waxaana la sheegay inuu isu bedelay gacan-ka-hadal iyo boob loo geystay dhowr dukaan oo halkaasi ku yaalla.
Gaadiidka AMISOM ayaa shilal is daba joog ah ku gala wadooyinka Muqdisho iyo Shabeelada Hoose, waxayna isku dayaan inay baxsadaan, marka laga reebo kiisas ay ciidamo iyo dadweyne hor istaagaan.