Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Caawa fal dil ah uu ka dhacay magaalada, kadib markii Burcad hubeysan ay falkan ka geysteen xaafad ka mida caasimadda.
Dilka ayaa ka dhacay xaafadda Fagax ee degmada Yaaqshiid, waxaana halkaasi lagu dilay Marxuum Cabdulqaadir Cabdullaahi Goosaar oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo Darawal ka ahaa Mooto, waxayna dableyda dilka u geystay doonayeen inay ka dhacaan Mootada.
Marxuumka ayaa la sheegay inuu diiday kuna fara adeygay Mootada, isagoo diiday inuu dableyda Burcadda ah siiyo furaha, taasoo keentay inay rasaas ku furaan, sidaana ku dilaan.

Wiilkan ayaa la sheegay inuu dhowaan ka qalin jebiyey mid ka mida jaamaacadaha Muqdisho.