Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay dil ka geysteen Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan suuqa Khudaarta.
Ninka la toogtay ayaa la sheegay inuu ahaa shacab da’diisu ka weyn tahay 60 sano jir, waxaana goobta ka baxsaday dableydii dilka geysatay oo warar kala duwan kasoo baxayaan. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ay dilka geystaan rag ku lebisan dareyska ciidamada dowladda.
Dilka ayaa ja dhacay inta u dhaxeya Suuqa khudaarta bakaaraha iyo Masjirka Sheekh Ccali Suufi, waxaan goobta gaaray ciidamada amniga, iyadoo aan la helin dableydii falkaasi ka danbeysay.
Wararka soo baxaya ayaa sheegay in Marxuumka oo magaciisa lagu sheegay Cumar Xasan Ganey uu ka tirsanaa shaqaalaha wasaaradda qorsheynta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.