Xubno isugu jirta aqoonyahanno, siyaasiyiin, saxafiyiin iyo ururada bulshada oo ka soo jeeda K/Galbeed Soomaaliya ayaa aasaasay koox culeys saar ah oo la baxday ‘Justice for South West State Protest Victims’, una doodeysa dadkii dhibanayaasha ahaa ee ku waxyeelloobay rabshadihii doorashada K/Galbeed.
Qoraal ay soo saareen kooxdan oo loo kala diray wakiilada Beesha Caalamka, lana ogeysiiyey madaxweynaha Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu sheegay inay doonayaan cadaalad loo helo dhibaatooyinkii ka dhacay magaalada Baydhaba.
Kooxdan waxay ka hor timid guddi baaritaan oo uu dhowaan magacaabay madaxweynaha ku soo baxay doorashadii K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen, iyagoo sheegay in guddigaasi uu meel ka dhac ku yahay dadkii waxyeelladu gaartay, iyadoo ay ku jiraan xubno lagu eedeynayo inay mas’uul ka ahaayeen xadgudubkii ka dhacay magaalada Baydhaba.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA