Wararka laga helayo gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab ay xukun dil ah ku fuliyeen laba nin oo lagu soo eedeeyay inay dil ka geysteen degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.
Maxkamad Al-Shabaab ee Jilib ayaa xukun qisaas ah ku fuliysay Labada nin oo magacyadooda lagu sheegay: Gaabow Yare Ibraahim oo 36 Sano jir ah iyo Maxamed Bashiir Cabdi oo 29 Sano jir ahaa, waxaana goob fagaare ah ku toogtay maleeshiyo ka tirsan Alshabaab.
Labada eedeysane ee la toogtay ayaa la sheegay inay dil ay u geysteen nin Xoolo dhaqato ahaa oo lagu magacaabi jiray Guudle Caddaan Xasan, iygoo ku dilay miyiga degaanka Galsheeq ee gobolka J/Dhexe.
Maxkamadda Al-Shabaab ayaa shaacisay in Ragga xukunka dilka ah lagu fuliyey ay qirteen denbiga lagu soo eedeeyay.