Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban-Ki-Moon ayaa Korneyl howlgab oo Mareykan ah u magacaabay Xafiiska taageerada Qaramada Midoobay u qaabilsan ee Soomaaliya (United Nations Support Office in Somalia (UNSOS).
Madaxa UNSOS ee Soomaaliya ayaa loo magacaabay Col. Hubert Price oo ah sarkaal hore uga tirsanaa ciidamada Mareykanka, isagoo kasoo shaqeeyay xafiiska taageerada Howlgalka Qaramada Midoobey ee dalka Liberia intii u dhaxeysay 2010-2015.
Mas’uulkan cusub ayaa ku soo biiraya howlgalka W/Midoobay ee Soomaaliya xilli la filayo inay doorasho ka dhacdo Soomaaliya, balse ay heystaan caqabado.
Korneylka ayaa Q/Midoobay ka shaqeynayay ilaa sanadkii 1994, waxaana uu soo qabtay howlo fara badan, isagoo khibrad u leh arrimaha nabad ilaalinta, kana soo shaqeeyay dalal Afrikaan oo ay ka mid yihiin Angola, Mozambique iyo Liberia.