Ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka furay shir wadatashi ah oo looga hadlayo sidii ururada Bulshada Rayidka ay uga qeyb qaadan lahaayeen Dib u eegista Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.
Waxaa shirkan kasoo qeyb galay qaar kamida ururada bulshada rayidkaoo ka kala yimid Puntland, Jubba, Galmudug, Koofur Galbeed, Gobolka Banaadir, Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Shirka ayaa loola doodi doonaa qaabka dib u habeyn loogu sameyn karo Dastuurka Soomaaliya ee KMG ah.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in Ururada Bulshada Rayidkaa ee ka kala yimid Gobolada dalka ay ka doodi doonaan Dib u Eegis lagu sameeyo Dastuurka islamarkaana waxii ka soo baxa ay noqon doonaan kuwo Faa’ido u ah Shacabka Soomaaliyeed.
Qorsheyaasha horyaala Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ah in Dastuurka Qabyo Qoraalka ah laga dhigo mid taam ah oo laga saaro KMG ka.