Waxaa maanta magaalada Baydhaba booqday sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM, isagoo la kulmay madaxda maamulka K/Galbeed.
Ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Rai Zenenga ayaa magaalada Baydhaba kula kulmay ku-simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna oo uu kala hadlay xaaladda doorashada madaxweynaha maamulkaasi.
Rai Zenenga ayaa sidoo kale la kulmay musharixiinta madaxweynaha ee maamulka K/Galbeed, isagoo gaarsiiyey farriin ah in Beesha Caalamka ay taageereyso doorasho ay K/Galbeed hoggaamineyso oo ku dhacda si wadatashi iyo wadar ogol ah.






![Ku-xigeenka Wakiilka Q/Midoobay oo farriin gaarsiiyey ku-simaha Madaxweynaha K/Galbeed & Musharaxiinta [Sawirro]](https://wadani.com/wp-content/uploads/2018/11/Sheekhunaa-UN.jpg)