Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kulamo kala duwan ay ka socdaan magaalada, kuwaasoo ku saabsan xaaladda mooshinkii laga keenay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).
Xildhibaannada la safaan guddoomiye Jawaari ayaa kulan uga socdaa Xarunta Villa Hargeysa ee guddoonka Baarlamaanka, waxaana xubno ka tirsan laga soo xigtay in Mooshinkii Jawaari laga keenay uu meesha ka baxay kadib markii uu dhammaaday waqtigiisa oo ku ekaa maanta oo Arbaco ah 28-ka Maarso 2018.
Maanta ayay ku ekeyd 10 maalmood oo maalmo shaqo ah iyo waqtigii ay u qabteen in mooshinka lagu horkeeno Baarlamanka Guddiga Aqalka Sare u saaray arrintan oo go’aan kasoo saaray arrinta Mooshinka laga keenay Jawaari, kaasoo shari darro ka dhigay mooshinka wixii ka danbeeya 28-ka Maarso.