Kulan ay qabanqaabisay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dhex maray guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Laftagareen.
Kulanka ayaa ka dhacay Guriga Mursal, iyadoo ay ka qeyb qaateen wasiiro ka tirsan xukuumadda xilgaarsiinta oo qaarkood ay gacanyareyaal u yihiin madaxda Dowladda Federaalka, iyadoo kulankan uu yimid shaki weyn oo soo dhex galay labada mas’uul.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan (Lafta-gareen) ayaa si weyn uga horjeeda muddo kordhin loo sameeyo xukuumadda iyo madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo ay xiisad siyaasadeedna kala dhaxeysay Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ah ninka wada muddo kororsiga.
Wararka ayaa sheegaya in kulank uu ahaa mid looga arrinsanayo xaaladda khilaafka Doorashada iyo isu soo dhoweynta Maxamed Mursal iyo C/casiis Laftagareen oo labaduba ka mida taageerayaasha Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Waxaa hakad galay shirarkii madaxda maamul Goboleedyada, waxaana Berri loo ballansan yahay kulan Baarlamaanka yeelanayo, kaasoo laga cabsi qabo in muddo kordhin looga hadlo.
