Waxaa maanta baaqday kulanka 9aad ee Golaha Aqalka Sare oo lagu waday in looga doodo, laguna ansixiyo Xeerka Dhismaha Guddiga madaxa bannaan ee La-dagaalanka Musuq-maasuqa.
Kulanka ayaan la isugu imaan iyadoo aan la sheegin sababtii loo joojiyey. Waxaana hore Sabtidii u shaaciyey inuu dhacayo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo sheegay inay meel marinayaan Hindisaha Xeerka Dhismaha Guddiga Ladagaalanka Musuq-maasuqa.
Xeerka dhismah Guddigan ayaa hore u soo maray Golaha Shacabka, waxaana warar soo baxay ay sheegeen inuu socdo dhismaha Guddiga, taasoo uu beeniyey Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya.