Kulanka Golaha Bararlamaanka Soomaaliya ee maanta lagu waday inuu qabsoomo ayaa sabab la’aan u baaqday, iyadoo aan wax faahfaahin ah laga bixin sababta.
Kalfadhiga shanaad ee hadda u socda Baarlamaanka ayaa noqday kii ugu caajiska badnaa, iyadoo ay baaqdeen lix kulan oo ka mida fadhiyadiisa, waxaana xilligan golaha horyaalla xaaladda Amniga oo dood weyni ka dhacday, laakiin guddoonka Golaha Shacabka ayaa la sheegay inay lug jiidayaan kulamada golaha si loo gaarsiiyo fasaxa Ramadaanka.
Kulankii ugu danbeeyay wuxuu Baarlamaanka Arbacadii warbixin ka dhageystay guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, waxaana maanta lagu waday inay kulmaan Baarlamaanka oo toddobaadkiina saddex maalin oo qura shaqeeya, kuwaasoo kala ah: Sabtida Isniinta iyo Arbacadda, laakiin ma jirin xalay wax farriin ah oo loo diray xildhibaannada iyo kulan midna.