Waxaa maanta Muqdisho ka dhaceysa doorasho kursi ka mida kuraastii hore loo laalay oo muddo laba jeer ah doorashadiisu ka dhacday magaalada Jowhar.
Kursigan waxaa ka dhashay qalalaase iyo iska hor imaad keenay dhaawacyada 8 ruux kadib markii ay isku dhaceen ilaalada musharixiinta ku loolameysay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.
Guddiga Doorashada ayaa sheegay in kursigan ay ku tartamayaan illaa Lix musharrax oo kasoo jeeda beesha Jidle, waxaana ka mida wasiir Maamed Cabdullaahi Axmed Nuux oo hore ugu soo baxay:
Waa markii saddexaad ee kursigan Doorashadiisa la qabanayo iyadoo la filayo in lagu kala baxo. Guddiga Doorashada ayaa wasiir Nuux hore uga mamnuucay inuu isu sharxo kursigan, taasoo ay diiday Madasha Qaran una ogolaaday inuu tartanka galo.
Wadani.com