Tuesday, May 13, 2025

La-taliyaha madaxweynaha oo dhaqaale loo adeegsado mooshinka u tegay Turkiga (Fadeexad)

La-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya, ahna saaxiib si weyn ugu dhow C/kariin Xuseen Guuleed ayaa safar degeg ah ku tegay dalka Turkiga isagoo uu la socdo xoghayaha koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga. safarkooda oo lagu tilmaamay dhaqaale raadis.

Safarka la-taliyaha ayaa salka ku haya lacag ay doonayaan inay ka soo wareejiyaan xisaab  (Somali central bank account in Turkey) Soomaaliya uga furan dalka Turkiga, kuna qoran Magaca Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, waxaana lacagtaas oo degdeg ay ugu baahan yihiin kooxda madaxweynaha si ay ugu adeegsadaan mooshinka lagu doonayo in xilka looga xayuubiyo Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed.

Madaxweynaha iyo kooxdiisa ayaa u adeegsada lacag iyo balanqaad jagooyin si ay u helaan codadka xildhibaanada, laakiin waxaa culeys weyn kasoo food saaray dhinaca Ra’iisal wasaaraha oo iyaguna sidoo kale dhaqaale adeegsaday, taasina waxay keentay in lacag badan loo baahdo si codka la qaadayo Sabtida soo socota loo isticmaalo.

Ad

Xisaabta ka furan dalka Turkiga waxaa inta la ogyahay ku jirta lacago ay soo celisay shirkadda Shulman Rogers oo ahayd shirkad laf ahaanteeda muran bndan ka taagnaa oo heshiis dowladda Soomaaliya kula gashay inay dib u soo celiso hantidii Soomaaliya uga maqneyd dibadda. Lacagta ay xaqiijisay    Shulman, Rogers    inay xisaabta ka furan Turkiga ku shubtay waxay gaareysaa $33 million (Akhri Qoraalka Wall Street Journal). waxaa kaloo account-ga Turkiga lacago ku shuba shirkadaha Turkiga ee Soomaaliya ka howlgala.

Tani waxay noqoneysaa fadeexad kale oo dhaqaalihii dalka loo adeegsanayo mooshin dano siyaasadeed laga leeyahay, kaasoo kala qeybiyay hay’adihii dowladda Soomaaliya.

 

- Advertisement -

Goobjooge.com

Muqdisho-Somalia

[ad name=”HTML”]

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON