Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, May 23
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Front
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Qiimaha codka xildhibaanka oo cirka isku shareeray & Xildhibaano laga dhoofinayo Muqdisho!
    Baarlamaanka

    Qiimaha codka xildhibaanka oo cirka isku shareeray & Xildhibaano laga dhoofinayo Muqdisho!

    WebmasterBy WebmasterNovember 29, 2014Updated:December 16, 2014No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Iyadoo uu marxalad cusub galay mooshinka laga keenay Ra’iisal wasaaraha ee horyaala Baarlamaanka, kadib heshiis laga gaaray mooshinka in si caadi ah looga furo Baarlamaanka Talaadada soo socota (AKHRI HESHIISKA LAGA GAARAY MOOSHINKA)  ayaa waxaa xowli ku socda dagaalka kala jiidashada xildhibaannada oo lagu loolamayo si koox waliba u heli lahayd codadka ay u baahan tahay.

    Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in kooxda taageersan Ra’iisal wasaaraha ay horumar ka gaartay inay naafeyso xildhibaannadii saxiixay mooshinka oo qaar kamida laga reebay mooshinka, qaar kalena laga dhoofinayo magaalada Muqdisho. Qorshahan ayaa ujeedkiisu yahay in lagu yareeyo xildhibaannada codka siin kara mooshinka, wuxuuna mooshinka u baahan yahay 138 cod si xukuumadda kalsoonida loogala noqdo, ra’iisal wasaaruhuna ku dhaco.

    Xildhibaannada ka tegaya Muqdisho ayaa sii kordhaya oo qorshahan uu saameynta ku yeeshay, waxayna kooxda Ra’iisal wasaaraha oo u muuqata inay dhaqaale adeegsaneyso ay waqti u heystaan inay dagaalkooda cod u dirirka ah sii wadaan, iyadoo hadba saacad waliba uu sii kordhayo qiimaha uu joogo codka xildhibaanka.

    Dhinaca madaxweynaha oo dhibaato weyn u arka dib u dhac kasta oo ku yimaada mooshinka, laakiin aqbalay heshiiska laga gaaray arrintan ayaa wada olole kale oo lagu raadinayo xildhibaanno kale, waxaana rajo weyn soo geliyay dhinaca madaxweynaha xildhibaannada Digil iyo Mirifle qaar kamida oo taageersanaa lixda Gobol, kuwaasoo wadahadal aad u adag kula jiray madaxweynaha.

    Mooshinka oo ugu danbeyntii cod lagu kala bixi doono ayaan hadda la saadaalin karin cidda codadka ku filan heysata, waxayn Goobjooge.com isha ku heystaa dhaqdhaqaaqa xildhibaannada iyadoo ay jiraan xildhibaano laba dhinac u diiwaan gashan.

     

    Goobjooge.com

    Muqdisho-Somalia

    [ad name=”HTML”]

    Xildhibaan dhoofin
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Webmaster
    • Website
    • Facebook
    • X (Twitter)

    Goobjooge.com: An Online News portal, tracks all news round the clock which will cover Politics, entertainment, sports and world news. Waxaad nagala soo xiriir kartaa: info@goobjooge.com

    Related Posts

    Xildhibaannada Labada Aqal oo Ansixiyay Guddiga Doorashada Qaran iyo Buuq hareeyay

    November 27, 2024

    Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo Cadaadis lagu saarayo inuu xilka iska casilo

    October 9, 2024

    XOG laga helay Mooshinka laga keenay Wasiir Fiqi iyo Xildhibaanno lagu eedeeyay inay Itoobiya…

    September 29, 2024

    Comments are closed.

    © 2025 Wadani.com .
    • Home-1
    • About Goobjooge
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo