Friday, May 16, 2025

Mareykanka oo joojiyay xiriirkii uu la lahaa Madaxtooyada Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa joojisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd madaxtooyada dowladda Federaalka Soomaaliya sida ay Goobjooge.com ka heshay ilo ka tirsan xafiiska madaxweynaha.

Joojinta xiriirkan oo ahaa mid joogto ah oo lagu kala war qaato ayaa meesha ka baxay kadib markii dowladda Mareykanka wax badan kala talisay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud arrinta khilaafka kala dhaxeeya Ra’iisal wasaarihiisa, iyadoo madaxweynaha ku gacan seyray dhammaan talooyinkaasi, qaarkoodna uu balanqaaday inuu tixgelin doono balse ay caddaatay inuu ku shaqeynayo si ka horjeeda sidii ay isla qaateen isaga iyo diblomaasiyiinta Mareykanka.

Lama oga sababta ka dambeysa joojinta xiriirkii Mareykanka iyo madaxtooyada Soomaaliya, waxaase sii socon doona xiriirka  iskaashiga milateri ee laga maamulo dalka Jabuuti iyadoo Mareykanku usoo marayo markan AMISOM. Tani waxay dhirbaaxo kale oo diblomaasiyadeed ku tahay madaxweynaha iyo kooxdiisa oo isga dhega tiray tallooyinka beesha caalamka oo dhan.

Ad

 

Goobjooge.com

Muqdisho-Somalia

- Advertisement -

[ad name=”HTML”]

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON