Kulankii Baarlamaanka ayaa lagu wadaa inuu qabsoomo maalinta Talaadada 2-da Bisha December 2014 kadib dood iyo kulamo is daba joog ah oo la isku xiiqay oo dhex maray guddoomiyaha Baarlamaanka, madaxweynaha, iyo guddiyo ka kala socday labada dhinac Khamiistii iyo Jimcihii.
Guddiga xidhibaanada kasoo horjeeda mooshinka laga keenay Ra’iisal wasaaraha wadahadal la yeeshay guddoomiyaha Baarlamaanka, isla markaana xiriir la sameeyay madaxweynaha ayaa ka hor yimid in mooshinka dib loogu soo celiyo Axadda 30-ka Bishan, waxayna taas bedelkeed la yimaadeen qorshe cusub oo markii danbe la isla qaatay.
Madaxweyne Xasan ayaa diiday in min shan xubnood oo labada dhinac ah ay wadahadal ka galaan arrinta mooshinka ayna la kala kulmaan Ra’iisal wasaaraha iyo madaxweynaha, waxayna hadallo kulul khadka telefoonka isku weydaarsadeen xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer) oo guddoomiye u ah guddiga xildhibaanada taageersan Ra’iisal wasaaraha.
Kulan guriga Guddoomiyaha Baarlamaanka ku dhex maray guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan iyo laba xubnood oo ka socday xildhibaannada diidan mooshinka, kuwaasoo kala ah xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow iyo xildhibaan Maxamed Cabdi Gandi ayaa sidoo kale looga dooday is mariwaaga dhex yaala labada qeybood ee Baarlamaanka. Prof. Jawaari ayaa ku adkeystay inuu Axada furi doono baarlamaanka isla markaana mooshinka soo celin doono.
Xildhibaan Dhegdheer iyo Gaandi ayaa dhinacooda ku adkeystay haddii Axadda isku dayo guddoonka keeno mooshinka inay sidii hore ku socon doonto arrinta isla markaana ay hor istaagi doonaan, wixii ka dhaca meeshaasina uu mas’uuliyadeeda qaadi doono guddoomiyaha Baarlamaanka. Dood kulul oo la isku mari waayay kadib waxaa shirka ku soo biiray Faarax Sheekh C/qaadir iyo Cabdullaahi Sanbaloolshe oo inkastoo aanu kan danbe xildhibaan ahayn haddana wakiil ahaan uga socday madaxweynaha.
Dood aaan waxba la isula harin kadib waxay la isla ogolaaday soo jeedintii xildhibaanada kasoo horjeeda mooshinka ee taageersan Ra’iisal wasaraha oo go’aankoodu ahaa:
[blockquote style=”4″] 1. IN TALAADADA (2 DISEMBER) LA QEYBIYO MOOSHINKA[/blockquote]
[blockquote style=”4″] 2. In ARBACADA AY XILDHIBAANADA SOO AKHRISTAAN[/blockquote]
[blockquote style=”4″] 3. IN KHAMIISTA LAGA DOODO MOOSHINKA[/blockquote]
[blockquote style=”4″] 4. IN SABTIDA 6-DA DISEMBER 2014 CODKA KALSOONIDA LOO QAADO XUKUUMADDA[/blockquote]
Markii  ay isla qaateen dhinacyadii shiray go’aankan ay wateen kooxda taageersan Ra’iisal wasaaraha, ayaa haddana ay codsadeen Wasiir Faarax Sheekh C/qaadir iyo Sanbaloolshe inay heshiiska ay ula tagaan madaxweynaha oo ku soo qanciyaan labadooda guddi. Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu ka carooday waqtiga dheer ee mooshinka soconayo waxaana hadallo aad u kulul ay mar kale dhex mareen xubnaha guddigii ka socday kooxda Ra’iisal wasaaraha iyo madaxweynaha’ waxaase markii danbe uu ku qasbanaaday madaxweynaha inuu ogolaado heshiiska.
Xildhibaan Dhegdheer iyo xildhibaan Gaandi dib ugu laabtay kooxdooda iyo ra’iisal wasaaraha iyagoo uga warbixiyay heshiiska ay lasoo gaareen dhinaca kale, waxayna isla qaateen heshiiskaasi.
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa la filayaa inuu heshiiskan ku dhawaaqo maanta inkastoo uu dhinac socdo loolankii mooshinka oo hadda arrintu ku soo biyo shubatay cod iyo kala jiidashada xildhibaanada.
Goobjooge.com
Muqdisho-Somalia
[ad name=”HTML”]