Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 29
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»LA-YAAB: Xisaabiyaha Guud ee Qaranka oo la magacaabay isagoo sanad xilkaas haya..!

    LA-YAAB: Xisaabiyaha Guud ee Qaranka oo la magacaabay isagoo sanad xilkaas haya..!

    July 12, 2015Updated:July 12, 20153 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay xisaabiyaha guud ee Qaranka iyadoo wareegto aan dokumenti ahayn oo qoraal ah lagu shaaciyay Radio Muqdisho shalay oo sidoo kale aan wax taariikh ah ka muuqan. Qoraalkaas ayay saxaafadu baahisay iyadoo aan dib loo eegin.

    Wadani.com oo raadraac ku sameysay wareegtada ayaa waxaa u soo baxday:

    Mas’uulka la magacaabay wuxuu xilkan hayay muddo ku dhow sanad, isagoo ku shaqeynayay inuu yahay “XISAABIYAHA GUUD EE QARANKA”, Waxaana la yaab leh inuusan xilligaasi jagadaas u magacawneyn ee uu kusime uun ahaa, kadib markii mas’uulkii loo magacaabay Dr. Cismaan Cilmi Guuleed (Biikolo)  uu soo xaadiri waayay.

    Xisaabiyaha Guud ee Qaranka

    Qoraalada uu soo saari jiray Axmed Yuusuf Muumin (Siraaji) waxaa ku caddeyd inuu yahay xisaabiye guud (Halkan ka akhri), waxayna tani caddeyn u tahay sida xilalka dowladda loogu takri falo oo qof aan sharci u lahayn uu ku shaqeyn karo xil dowladeed.

    Magacaabidda madaxweynaha ayaa soo baxday kadib markii taageerayaasha Axmed Yuusuf Muumin (Siraaji) u tageen madaxweynaha oo ay ku cadaadiyeen inuu xilkan u xalaaleeyo una magacaabo maadaama uu isagu hayo, taasoo madaxweynuhu iska aqbalay isagoo aan dib u eegin qaabka awood qeybsiga dalka.

    [ad name=”HTML”]

    [spacer color=”8BC234″ icon=”Select a Icon” style=”1″]

    HOOS KA AKHRI WAREEGTADA  MADAXWEYNAHA

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta digreeto ka soo baxday xafiiskiisa lagu magacaabay Xisaabiyaha guud ee Qaranka.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, marii uu arkay Qodobka 87aad, farqadda 1aad Xaraf “C” iyo farqadda 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

    Markuu arkay Qodobka 90aad, Xarafka “K” ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya

    Markuu Ogaaday: Baahida loo qabo dhameystirka dhisidda Hey’adaha Dowladda.

    Markuu tixgeliyay: Aqoonta iyo waayo-aragnimada uu mudanaha xilkan loo magacaabay u leeyahay, Xisaabaadka Hey’adaha Dowladda oo uu muddo dheer ka soo shaqeynayay

    Waxa uu soo saaray Madaxweynuhu xeerkan

    Qodobka 1aad

    Laga bilaabo marka uu Madaxweynuhu saxiixo Xeerkan, waxaa Axmed Yuusuf Muumin (Siraaji) loo magacaabay in uu noqdo Xisaabiyaha guud ee Qaran

    Qodobka 2aad

    Xisaabiyaha guud ee dowladda waxa uu mas’uul ka yahay si madaxbanaan Xisaabaadka hey’adaha dowladda iyo in uu la socdo qarashka Dowladda ay bixiso iyo ilaalinta wixii ah maal lacageed oo ah keydka Dowladda.

    Qodobka 3aad

    Wixii howlo, xuquuq iyo maamuus ah waxaa lagu dhaqayaa Xeerka Lr.11 ee 05/12/2006 ee shaqaalaha rayidka

    Qodobka 4aad

    Waxa uu xeerkan dhaqan gelayaa markii uu Madaxweynuhu saxiixo, waxaana lagu soo daabacayaa Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliyeed.

    Digreetadan ayaa waxaa ku saxiixnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

    Wadani.com

    [ad name=”HTML-1″]

    Wareegto madaxweyne Xisaabiyaha guud
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXOG: Laba wasaaradood oo isku heysta maamulka maalgashiga Soomaaliya
    Next Article C/kariin Guuleed oo bilaabay dhismaha ciidamada Maamulka Galmudug

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo