Waxaa maanta magaalada Gaalkacyo kuraasta lagu doortay ka mida kursiga tirsigiisu yahay HOP017 oo ay kusoo baxday haweeney lagu magacabo Qaladla Cali Cawaale.
Arrinta la yaabka leh ayaa ahayd inuu tartanka si lama filaan ah uga baxay musharaxii la tartami lahaa oo ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha Galmudug Axmed Cismaan Aadan (Qooje). Kursigaan waxaa ku fadhiday Baarlamaankii 10-aad Duniyo Maxamed Cali.
Wasiirkan ayaa shalay qaatay shahaadada Musharaxnimo, waxaana maanta laga waayey goobtii doorashada, iyadoo la sheegay inuu ahaa malxiis oo kursiga loo xiray haweeneyda kusoo baxday, laakiin ay u cuntami weysay inuu doorashada xaadiro.
Warar arrintan kadib soo baxay ayaa sheegaya in Wasiir Axmed Cismaan Aadan uu ka tanaasulay Musharaxnimada Kursiga u gudbiyey, isgoo Gudoomiyaha guddiga doorashada Galmudug gaarsiiyey qoraalka arrintaasi ku saabsan inta aysan bilaaban doorashada.
Qaladla Cali Cawaale ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay HOP#017, markii la waaeyey musharixii wasiirka ahaa waxaana taageeray79 ergo.
Arrimaha la yaaka leh ee laga diiwaan geliyey doorashada 2022, waxaa ka mid noqday Wasiir maamul Goboleed oo malxiis noqday, kadiba ka baaqsaday inuu xaadiro goobtii doorashada.



