Musalsalka Khilaafaadka Doorashada Soomaaliya waxaa ku jira Qodob xal u heliddiisa ay adkaatay oo ah: Heshiisiinta Siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland iyo Doorashada xildhibaannada labada Aqal ee Beesha Dirta Waqooyi oo gaaraya 57 Xildhibaan iyo Senatoor.
Arrintan oo dhami waxay salka ku heysaa rabitaanka Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo oo inkastoo laga wareejiyey maamulka Doorashada aan haddana marna ka tanaasulin inuu maamulo Doorashada xildhibaannada Dirta Waqooyi, wuxuuna u arkay dariiqa gaarsiin kara in dib loo doorto.
Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed waa gacan-yaraha iyo siyaasiga ugu weyn ee uu ku kalsoon yahay, Waana siyaasiga ugu weyn ee taageera, hormuudkana ka ah mashruuca dib u doorashada Farmaajo, waxaana caddeyn u ah xilli aan Xitaa lagu heshiin nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa uu fagaare ka sheegay in Farmajo wareega koowaad kusoo baxayo haddii ay Doorasho dhacdo..!
Siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland waxay u kala qeybsameen Garab taageersan Maxamed Farmaajo iyo qorshihiisa Doorashada oo Mahdi Guuleed hoggaamiyo iyo Garab uu horseed u yahay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi oo doonaya doorasho lagu tartamo oo ay dhexdooda ka tashadaan, heshiisna ku yihiin.
Sida Guddiga Doorashada Soomaaliland loo maamulay waxay caddeyn u tahay sida Farmaajo ugu fara adeygay inuusan gacantiisa ka bixin Guddigan, waxaana Guddigaasi ka dhex muuqda Ninka hal-xiraalaha noqday ee KHADAR XARIIR. Siyaasiyiinta Waqooyi waxay bilo ka hor sii ogaayeen in KHADARKA yar uu Farmaajo u wato maamulka iyo Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Somaliland.
16 June 2021 siyaasiyiinta Gobollada Waqooyi ee Garabka Cabdi Xaashi oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa Farmaajo ku eedeeyay faragelinta Guddigooda Doorashada, waxayna si cad u sii sheegeen Qorshaha Farmaajo watay ee markii danbe xaqiiqada noqday.
“Waxaa noo caddaatay in Farmaajo si toos ah usoo farageliyey howshii guddigii Wasiirada ee Ra’iisal wasaaraha u xilsaaray kala saarisa guddiyaddii dacwadda laga qabay; markii uu amray inay dib gu soo celiyaan xubno ka mida shaqaalaha dowladda oo ay hore uga saareen, kana mid yahay Khadar Xariir Xuseen oo uu Farmaajo u rabo Guddoomiyaha Guddiga Doorashada SEIT ee Somaliland” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Siyaasiyiinta Waqooyi oo uu saxaafadda u akhriyey xildhibaan Xuseen Carab Ciise.

Khadar oo sanado ka hor Muqdisho yimid, waxay qaraabo yihiin Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed, waxaana laga shaqaaleysiiyey madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo kadibna loo wareejiyay hay’adda Qaxootiga Qaranka oo isagoo ka tirsan loo magacaabay inuu ka mid noqdo xubnaha Guddiga Doorashada Somaliland.
Khilaafkii dheeraa ee doorashada kadib Markii Farmaajo laga wareejiyey maamulka Doorashada ee Ra’iisal wasaare Rooble loo xil saaray Khadar Xariir wuxuu ka mid ahaa xubnihii lasoo caddeeyay inay shaqaalaha dowladda ka mid yihiin oo aanay Guddi doorasho ka mid ahaan karin, laakiin Rooble oo cadaadis kala kulmaya Farmaajo ayaa ku fashilmay inuu ka Saaro Guddiga Doorashada Somaliland.
Qoraaladdan waxay muujinayaan inuu Khadar ka mid yahay madaxda Guddiga Qaxootiga Qaranka, mushaarna ku qaatay bilihii ay socotay kala saarista Guddiga, sidaasoo ay tahayna waxaa dhacday inuu kusii jiro Guddiga, kadibna muddo saddex jeer oo mid qarsoodi ahayd ay Guddoomiyaha Guddiga u doortaan xubnaha ay soo magacaabeen Ra’iisal wasaaraha Maxmed Rooble iyo ku xigeenkiisa Mahdi Guuleed..!
Ma ahayn wax cusub in Farmaajo ku adkeysto inuu gacanta ku sii Hayo maamulka doorashada xildhibaannada kasoo jeeda Somaliland, laakiin waxaa la yaab leh in Khadar Xariir uu noqdo qofka kaliya ee Farmaajo iyo Mahdi Guuleed isku aamini karaan oo ay mar kasta doonayaan inuu hoggaamiyo Guddigaasi, wax kastoo ay ku qaadato iyo xaalad kasta oo dhacda ilaa Ra’iisal wasaare Rooble la safto oo aqoonsado doorashadii qabyada ahayd ee 7 Ogost 2021.
Kalsoonida Farmaajo ku qabo wiilkan Khadar ee saddexda jeer lagu soo celiyey guddoomiyaha Guddiga Doorashada Somaliland, waxay ku dhisan tahay qorshaha doorashadiisa ee uu hoggaanka u hayo Khadarka weyn ee Mahdi Guuleed, xisaabtana laguma darin in muwaadinkani uu xornimo u shaqeyn karo.
Hal-xiraalaha la xalin waayey ee Khadar Xariir iyo Khadar Guuleed waxaa adkeeyay iyadoo ay ku xiran tahay rajada Maxamed Farmaajo ee Dib u Doorashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Hadda oo Farmaaja-ha Madaxweynaha ahaa ee xilligiisu dhammaaday iyo Roobla-ha hoggaamiyaha xukuumada xilgaarsiinta ah isku qabteen awoodda dalka, khilaafkooduna soo shaac baxay markii ay qoraallo kulul isugu jawaabeen, waxaa khasab ah inuu furmo Hal-xiraalihii khilaafka Doorashada Gobollada Waqooyi ee Khadar Guuleed iyo Khadar Xariir, xalka cadaalad ahna loo helaa arrintan.
Ra’iisal wasaare Rooble waxaa laga sugayaa inuu xaqiiqada iyo cadaaaladda u soo laabto, iskana furo xarigii ugu xirnaa Madaxtooyada, isagoo si dhexdhexaad ah u wajahaya arrinta khilaafka Doorashada xildhibaannada kasoo jeeda Somaliland.
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA RISAALA TV