Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dabley hubeysan ay dil ka geysteen degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.
Dilkan ayaa ka dhacay agagaarka saldhiga Booliska degmada Kaaraan iyo Suuqa degmadaasi, waxaana toogasho lagu dilay laba nin, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ahaa, iyadoo ay baxsadeen dableydii dilka geysatay.
Labada qof ee la dilay ayaa midkood magaciisa lagu sheegay Caddaan oo dhaawac culus kasoo gaaray rasaas lagu furay, kaasoo ahaa askari, halka qofka kale uu ahaa shacab; iyadoo falkaasi kadib ay ciidamada Booliska halkaasi gaareen, kana qaadeen meydka labada nin.