Baraha warbaahinta ee bulshada Soomaalida ku xiriirto waxaa lagu soo bandhigay qaraaxo laga sameeyay
qaabkii uu u lebistay Ugaaska dhowaan la duubay ee Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka duwaneyd hab dhaqanka soo jireenka ah ee Duubabka Soomaaliyeed.
Ugaas Xasan oo intii uu geeriyooday walaalkii Ugaas C/raxmaan si toos ah u qabtay xilka ayaa markii hore ku caan baxay nin hadallo kulul oo kaliya maahee inuu yahay Oday Dhaqameed ka lebis duwan odayaasha kale, waxayna dadka qaarkii ugu yeeraan “UGAASKA CIYAALKA XAAFADDA”.
Ugaaska lagu arkin isagoo wata dharka ay caanka ku yihiin dhaqanka, sida Koofi, Cimaamad, Ul, Shaal, Macawis iwm, ee taas bedelkeed wuxuu sidan jiray dhar caadi ah sida shaar iyo surwaal oo ay wehliyeen kaba marna xiran marna furan.
Xafladii caleemo saarkiisa ee 25kii bishan ka dhacday magaalada Beledweyne oo dad aad u fara badan ka qeyb galeen waxaa rajo laga qabay inuu is bedelo ama dadka howsha gacanta ku haya ay ka dhigaan Ugaas muuqaal duub leh, laakiin waxaa yaab noqotay inay xaajadii kasii dartay.
Dad isku dayay inay Ugaaska dusha ka saaran cimaamado, Shaalal iyo waxyaabo kale ayaa ku fashilmay markii uu isla markii la saarayna iska qaaday oo diiday inuu ku lebsito.
Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo xafladii caleemo saarkiisa wata wuxuu soo xirtay Surwaal Jeans ah iyo Funaanad Lacoste ah, waana tan keentay dood iyo qaraaxo laga sameeyay lebiska Ugaas Xasan, dadkii baraha bulshada ku faaqiday arrintan oo Soomaali iyo ajnebi lahaa ayaa sheegay inuu yahay Ugaas Casri ah, qaarkood ayaa ku tilmaamay laacib Mareykan ah oo cuslaaday iwm.
HOOS KA DAAWO FARRIIMAHA DOODA EE KU SAABSAN LEBISKA UGAAS XASAN
SAWIRRADA UGAASKA EE XAFLADII DUUBKA
XULASHADA GOOBJOOGE.COM