Xukuumada Soomaaliya ee Cumar C/rashiid Ra’iisal wasaaraha ka yahay waxaa u buuxsantay muddo bil ah tan iyo intii kalsoonida ay ka heshay Baarlamaanka Soomaaliya, sidaasoo ay tahay waxaa ifafaalaheeda hore ka muuqda inaysan ahayn mid firfircoon oo si hufan u howl gashay duruufo kala duwan awgood.
[ad name=”HTML-3″]
Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Sheekh Cali Diini waxaa la oran karaa waa wasiirka ilaa hadda muujiyay shaqo hufan iyo dhaqdhaqaaq dheeraad ah kana dhex muuqda wasiirada xukuumadda cusub, waxaana tusaale noogu filan sida shaqsiyan uu isugu xilsaaray inuu nabad ka keeno colaadii degmada Guriceel ee ciidamada dowladdai yo garab ka mida Ahlun sunna.
[ad name=”HTML-4″]
Wasiirkani waxaa hore loo saadaaliyay inuu ka mid yahay wasiirada ugu fiican ee xil ka qabtay golaha wasiirada cusub taasoo hadda u muuqata inay saadaashi qaarkeed dhabowday, ka sokow heshiiska uu General Diini ku saxiixay Guriceel iyo shaqada adag ee uu ka soo qabtay halkaas, wuxuu hadda dhinaca kale dadka ku barakacay dagaalkii Guriceel tusiyay dhinaca bani’aadmnimo ee dowladda kadib markii uu ku booqday meelaha ay u barakaceen ee duleedka degmada.
Talaabada Wasiirka gaashaandhigga waxay dowladda Soomaaliya ka tirtay ceeb wejiga uga tiilay oo ahayd inaysan u damqan bulshada ku barakacday dagaaladii Guriceel, laakiin waxaa laga sugayaa wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo wasaaradaha kale inay daba galaan wasiir C/qaadir oo ay halkaasi la gaaraan gargaarka dadkaasi u baahan yihiin.
Wasiirka Gaashaandhigga ilaa hadda wuxuu ku socdaa wado sax ah, wuxuuna sameeyay waajib laga sugayay wasiir ahaan, isagoo mudan in lagu amaano laguna taageero.
Wadani.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-5″]