Maamul Goboleedyada Soomaalida ayaa la kala saftay Maxkamadda sare ee dalka iyo Golaha shacabka oo dood ku saabsan sharcinimada 8 kursi oo ka mida Baarlamaanka ka dhex taagan tahay.
Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa si buuxda u taageeray go’aankii Golaha Shacabka ku diiday qoraalkii maxkamadda sare iyagoo sheegay in 275-ta xildhibaan ee Golaha shacabka ay lama taabtaan yihiin.
Maamulka Hirshabeelle ayaa isna si cad ula saftay Baarlamaanka, waxaana madaxweynaha maamulkaasi Cali C/llaahi Cosoble uu magaalada Beledweyne ka sheegay in maxkamadda sare aysan sharci darro ka dhigi karin xildhibaano degaanadooda lagu soo doortay oo la dhaariyay.
Dhinaca kale Maamulka Jubbaland ayaa qaatay go’aan isku qasan waxaana qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha maamulkaasi uu ku taliyay la raaco go’aanka Natiijadii Doorashada horay u dhacday, kaasi oo ay u aragto mid kama dambeys ah, dibna aan loogu laaban karin.
Jubbaland ayaa Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo ay sheegtay inuu yahay laaliyaha Dastuurka dalka u soo jeedisay in uu xaliyo khilaafaadka ka dhaxeeya Hay’adaha Dastuuriga ah ee dalka.
Puntland ayaan weli wax hadal ah kasoo saarin arrinta dhex taalla maxkamadda Sare iyo Baarlamaanka, waxaana dhowaan Baarlamaanka degaankaasi uu kalsoonidii kala laabtay xukuumadii maamulkaasi.