Maamulka Gobolka Banaadir oo dhowaan wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya ku wareejisay dugsiyada Hoose/ Dhexe iyo Sare ee magaalada Muqdisho ayaa soo saaray amarro lagu soo rogay Dugsiyadaasi.
Qoraal wargelin ah oo kasoo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kana kooban 9 qodob ayaa lagu amray dugsiyada Gobolka inay dhaqan geliyaan manhajka dowladda ee fasallada 1-aad ilaa 12-aad, in arday aan heysan shahaado dugsi dhexe aanu fariisan karin dugsi sare, in bedelka ardayga ogolaasho looga rabo Maamulka Waxbarashada Gobolka Banaadir iyo qodobo kale.

HOOS KA AKHRISO

