Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyaha degaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho, iyadoo Guddoomiye cusub loo magacaabay.
Wareegto kasoo baxday Guddoomiyaha Goboka Banaadir oo hore loo qoray ayaa xilkii looga qaaday guddoomiyihii Degaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho Cabdiraxmaan Axmed Cali (Garyare) iyadoo xilkaasi loo magacaabay Ibraahim Maxamed Roobe Shanleyste.
Xil wareejinta ayaa maanta ka dhacday degaanka Garasbaaley, iyadoo guddoomiyaha cuusb ee xilka la wareegay, waxayna wararku sheegayaan in xil ka qaadista ya ka danbeysay markii guddoomiyihii hore uu olole u galay in degaankaasi uu noqdo degmo gaar u taagan.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa muddooyinkii ugu danbeeyay ku jira xilal ka qaadista guddoomyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir oo laba kamida ay dhowaan xilalkooda waayeen.