Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay inuu kafaalo qaaday waxbarashada ardaydadii Aabayaashood ku waayey qaraxii musiibada ahaa ee 14 Bishaan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee hadda loo bixiyey ( 14 October).
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay inuu booqday qaar ka tirsan qoysaskii dhibka ay kasoo gaartay Musiibadii 14 October.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu si gaar ah Mas’uuliyad isaga saaray inaysan waxbarashada ka istaagin ardaydii aabayaashood ku waayey qaraxaas. Guddoomiyaha ayaa xusay inay la xiriireen Iskuulada ay dhiganayeen ardaydaas, ayna ku wargeliyeen in Maamulka Gobolka Banaadir uu kafaalo qaaday waxbarashadooda.
Wuxuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Muqdisho inay ka qeyb qaataan garab istaagga Carruutaas si loo badbaadiyo mustaqbalkooda.
” Waxaan maanta soo booqanay qaar ka mid ah qoysaskii dhibta ay ka soo gaartay masiibadii 14ka October. Waxaan si gaar ah mas’uuliyad iskaga saarnay in waxbarashada caruurtaas aysan istaagin. Waxaan la xiriirnay Iskuulladooda si aan ugu wargelino in aan kafaalo qaadeyno waxbarashadooda. Fadlan ka qeybqaata garab-istaagga walaalihiina si mustaqbal leh” ayuu yiri Guddoomiye Taabit oo farriinta soo dhigay barta FB.
Qaraxii Soobe ayaa waxaa ku dhintay 414 qof halka tiro kale oo intaas aan ka yareyna ay ku dhaawacmeen, wuxuuna noqday midkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Soomaaliya.