Maamulka Gedo: Abuukaate Cumar Dhagayay dadka reer Gedo waxay ku yaqaanaan nacayb, gabood fallo siyaasadeed
Maamuulka Gobolka Gedo ee hoostaga madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shaaciyay inuusan qadacay oo aanu aqbaleynin guddiga uu magacaabay Raysalwasaare Rooble ee kasoo talo bixinta Doorasho ka dhacda magaalada Garbahaarey.
WarSaxaafadeed ay soo saareen maamulka Gobolka Gedo oo ay maamusho Hay’adda NISA ayaa lagu caddeeyay in Guddiga uu yahay mid hal dhinac ah oo ay ku jiraan saaxiibada madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.
Waxay eedeyn culus u jeediyeen la-taliyaha Ra’iisal wasaaraha Avv. Cumar Dhegey oo ay ku tilmaameen nin gaboodfal geystay oo neceb dadka Gobolka Gedo.
Qodobadda soo socda ayey sabab uga dhigeen maamulka Gedo inay u qaadaceen Guddiga Rooble magacaabay:
1- In uu yahay gudi dhinac ka rarran oo aan dhexdhexaad ahayn, oo ka kooban kaliya Maamulka Jubbaland garabka Axmed Madoobe iyo adeegayaal kasocda xafiiska Raysulwasaaraha JFS, oo ay layaab tahay In uusan ku jirin qof matalaya maamulka iyo dadka reer Gedo, wax wadatashi ahna aan lagala yeelan.
2- In hogaanka gudigaas, Abuukate Cumar Dhagay, uuyahay mid lagu yaqaanno, kala qaybinta siyaasiinta, kala fogaynta xafiisyada dowladda, abuurid xasilooni la’aan siyaasadeed. Wuxuuna kamid yahay dadka qaybta ka ah khatarahil siyaasadeed ee dalka soo maray sanadiihii danbe.
3) In Abuukaate Cumar Dhagayay dadka reer Gedo ku yaqaanaan nacayb, gabood fallo siyaasadeedna uu horay ugu geystay, kamana noqon karo dhexdhexaad.
4- In gudigaan cusub uu yahay mid lagu seeto dheeraynayo doorashada, loogu diidaayo dadka reer Gedo xaquuqdooda matalaaad, laguna minjaxaabinaayo doorashada Garbahaareey.
Maamulka Gedo ayaa qoraalkiisa ku sheegay inay kaliya soona dhoweynayaan Gudiyada doorashada heer Maamul Goboleed, Reer Federaal iyo Gudiga Xallinta Khilaafaadka, si ay u qabtaan doorashada.
