Maamulka Jubaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyay Alshabaab inay ka danbeysay dilkii xalay loogu geystay magaalada Kismaayo Ganacsade iyo Nabadoon caan ka ahaa Jubbooyinka.
Dabley hubeysan ayaa xalay toogasho ku dhaawacday Nabadoon Xaaji Siciid Ciise Cabdi oo kamid ahaa ganacsatada Jubbaland, isagoo dhaawacaasi u geeriyooday, wuxuuna weerarka ka dhacay xaafadda Calanley xilli uu salaad kasoo baxay mid ka mida masaajida magaalada Kismaayo, waxaana baxsaday dableydii dilkiisa ka danbeysay.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland C/nuur Ibraahim Xuseen ayaa sheegay in laamaha Amniga Jubbaland ay wadaan baaritaanno ku saabsan in gacanat lagu soo dhigo dadkii ka dambeeyey dilkaas, iyadoo uu intaas ku daray inay ka danbeeyeen kooxda caadeysatay daadinta dhiigga shacabka ee Alshabaab.
Dilalka ka dhaca magaalada Kismaayo ayaa inta badan loo aaneeyaa kuwo siyaasadeed oo siyaasiyiinta ku kacsan Axmed Madoobe ay farta ku fiiqaan maleeshiyadiisa maamulka Jubbaland, iyadoo falalkaasi qaar ay sheegtaan Alshabaab.